Friday, October 18, 2024

Al-siisi oo booqanaya Asmara oo Xasan Sheekh uga sii horeeyay

Asmara (Dawan)- Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-siisi ayaa maanta ku wajahan magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xaaladda gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas, si loo taageero geeddi-socodka horumarka, loogana mira dhaliyo danaha labada dowladood ee gobolka, sida uu sheegay af-hayeenka madaxtooyada Masar, Axmed Fahmi.

Asmara, waxaa hadda ku sugan madaxweyne Xasan Sheekh oo booqashadiisi afaraad ku tegay sanad gudihiis dalkaas, waxaana la filaya inuu halkaas uu ka dhaco kulan seddex geesood ah oo looga hadlayo xiisadda Geeska afrika iyo sidii looga qaadan lahaa siyaasad mideysa seddexda dal ee Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

Bishi hore waxaa Eritrea booqday madaxa sirdoonka iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, waxayna kulan gaar ah la qaateen Afwerki, iyaga oo ku wareejiyay farriin ay ka sideen Al-siisi.

Tillaabooyinkaan ayaa u muuqda in looga gol leeyhay sidii go’doon siyaasadeed loo gelin lahaa Abiy Axmed oo dhamaan seddexdaan dowladood ay kala dhaxeyso xiisad iyo khilaafaad kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here