Friday, October 18, 2024

Itoobiya oo qorsheyneysa iibinta 10% saamiga shirkadda Ethio Telecom

Addis Ababa (Dawan)- Itoobiya ayaa billaabi doonta todobaadka soo socda inay iibiso 10% saamiga shirkadda isgaarsiinta Ethio Telecom, oo ah shirkadda dhanka isgaarsiinta ee ugu wayn dalkaas.

Arrintan ayaa ah qayb ka mid ah qorshaha ra’iisul wasaare Abiy Axmed ku doonayo inuu dalka u furo maalgashi si wax looga qabto dhaqaala xumada ka jirda dalka iyo deynta kusii badaneysa ee dibadda.

Dadweynuhu waxay awood u yeelan doonaan inay wax ka iibsadaan saamiyada Ethio Telecom’s laga bilaabo 16ka Ocotober, sida ay shaacisay shirkaddu Jimcihii.

Tillaabadan ayaa dowladda ka caawin doonta inay wax badan ka barato istiraatiijiyadaha shirkadaha waaweyn ee ay maalgashadaan dadwaynuhu, waxayna tijaabo u noqon doontaa in shirakdo kale oo ay dowaddu leedahay loo ogolaado inay saami ku yeeshaan ganacsato kale, sida uu sheegay madaxa fulinta shirkadda maalgashiga Itoobiya, Brook Taye.

Dawladda ayaa sii xajisan doonta saamiga 45% ee Ethio Telecom, iyada oo inta soo hartay loo ogolaa doono maalgashadayaasha shisheeye.

Shirkadda waxaa ku xiran macaamiil lagu qiyaasay in ka badan78. milyan oo qof waxayna soo xareysay faa’iido dhan 21.8 bilyan oo birr ($184 milyan) muddo sanad ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here