Friday, October 18, 2024

Ma xallin doonaa James Swan Khilaafka doorashooyinka?

Kismaayo (Dawan)- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sida ay sheegtay Warbaahinta Dawlad Goboleedka Jubbaland Kulankooda ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira siyaasadda dalka, gaar ahaan doorashooyinka, Bixitaanka ATMIS iyo arrimo kale.

Sida ilo xog ogaal ah oo madaxtooyada Jubbaland ah ay inoo  sheegeen, Swan ayaa weydiiyay Axmed Madoobe aragtidiisa ku saabsan doorashooyinka. Axmed Madoobe ayaa sheegay inuusan diidaneyn doorasho qof iyo cod ah, balse uu diiday doorasho aan loo dhammaan oo aan wada-hadal laga helin dhammaan dhinacyada.

Sidoo kale, Swan ayaa madaxweynaha Jubbaland weydiiyay in uu ku laaban doono magaalada Muqdisho si uu uga qayb galo shirka Golaha Wadatashiga Qaran, hase yeeshee Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan qorshihiisa hadda ku jirin ku noqoshada shirkaas.

James Swan ma uusan muujin go’aan cad oo ku saabsan mowqifka Qaramada Midoobay ee xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland, balse waxa uu sheegay inuu arrintaas kula laaban doono magaalada Muqdisho si uu talo ugu soo dhiibo madaxda kale ee dalka.

James Swan ayaa 23-kii bishii September ee sanadkan la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, halka kulankii kasii horeeyey uu la yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ka dhacay 15-kii September 2024  iyada oo Deni uu isna ka maqnaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran muddo, wallow Swan uusan hora uga hadal wixii kasoo baxay kulamadaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here