Friday, October 18, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka oo diiradda lagu saarayo horumarinta dhaqaalaha iyo dowladnimada. Munaasabadan oo socon doonta laba maalmood waxaa kasoo soo qeyb galay xildhibaano iyo diblumaasiyiin shisheeye.

Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland , Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qaabilay maamulka , macalimiinta, ardayda iyo waalidiinta Barnaamijka uu bixiyo Dugsiga UCMAS oo ah mid kor loogu qaado garaadka ubadka da’adoodu u dhaxayso shan jir ilaa 13 jir.

Muqdisho

Marwo Xanaan Cabdicasiis Barre oo dhowaan loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa maanta lagu dhaariyay kulanka Golaha Shacabka.

Zimbabwe

Wasaaradda caafimaadka Zimbabwe ayaa xaqiijisay in markii ugu horeysay dalkaas laga helay laba ruux oo qaba cudurka mpox.

Faransa

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa martigelin doona Boqorka Belgium Boqor Philippe oo booqasho 3 maalmood ah, ku jooga dalkaas, waana markii ugu horeysay muddo 21 sano ah ee uu booqado Faransiiska.

Pakistan

Mas’uuliyiin ka socda wadamada xubnaha ka ah ururka Iskaashiga Shanghai oo ay ku jiraan ra’iisul wasaarayaal iyo wasiiro ayaa lagu wadaa inay gaaraan caasimada Pakistan ee Islamabad si ay uga qeyb galaan shirka labada maalmood socon doona ee golaha madaxda sare ee ururkaas.

Yurub

Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyay weerarrada ciidamada Israel ee ka dhanka ah ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan Lubnaan, iyada oo Israel loogu baaqay inay jawaab cad ka bixiso weerarkii ay ku dhaawacday qaar ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee Lubnaan jooga.

China

Isniintii, Shiinuhu wuxuu bilaabay dhoolatus milatari oo uu ka samaynayo xeebaha Taiwan ayna ka qayb qaadanayaan diyaarado iyo maraakiib dagaal.

Bariga Dhexe

Uurka Xisbullaahi ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeraray xero ciidamada Israel ay ku leeyihiin magaalada Haifa, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 4 askari, kuna dhaawaceen 70 kale.

Lubnaan

Tan iyo 23kii September, weerarada Israel ee Lubnaan waxaa ku dhintay 1,488 iyada oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen 4,297 kuwaas oo u badan haween iyo carruur ah.

Falastiin

In ka badan 42,277 qof ayaa ku dhintay dagaalka Gaza tan iyo markii uu billaawday, waxaana ku dhaawacmay 98,468. Burbur baaxad leh, macluul iyo masiibo bini’aadantinimo oo aan hore loo arag, ayaa usii dheer intaas dadka Falastiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here