Friday, October 18, 2024

Kulmiye iyo Waddani oo ganaax kala kulmay komiishanka doorashooyinka

Hargeysa (Dawan)- Labada Xisbi ee sida wayn ugu loolamaya doorashooyiinka Somaliland ee Kulmiye ( xisbil xaakim) iyo Waddani (Mucaarad) ayaa ganaax lacaageed kala kulmay komiishanka doorashooyinka

Labada xisbi midkiiba waxaa dul dhigay ganaax lacageed oo dhan 10 milyan oo lacagta Somaliland ah kadib markii lagu eedeeyay inay ololahooda doorasho billaabiin ka hor xilligii loo asteeyay ee 19 October 2024.

“Waxaanu ku ganaaxnay labada xisbi ee kala ah Waddani iyo Kulmiye min 10 milyan oo shilinka Somaliland ah, sidoo kale waxaan ka joojinya socdaalada ollolaha u eg ee ay ku jiraan labada xisbi” sidaas waxaa sheegay mas’uulka Guddiga Anshaxa, Aadan Xuseen Maxamed.

Guddiga ayaa ugu hanjabay labada xisibi hadii ay u hogaansami waayaayn xeerarka doorashooyiinka iyo xilliyada loo asteeyay ololaha in laga joojin doono maalmaha ay xaqa u leeyihiin.

Guddiga ayaa sidoo kale mamnuucay in ololaha doorashada loo adeegsado gaadiidka dowladda, iyada oo looga digay shaqaalaha iyo laamaha amniga inay ku lug yeeshaan ololaha doorashada.

Falcelinta Xisbiga Waddani

Xisbiga Waddani oo arrintan ka jawaabaya ayaa sheegay inuu baajiyay safarkii murashaxooda ku tegi lahaa deegaanada Sabowanaag, Caddaadley, Balli-Maataan, Qoton-dabo iyo Balli-Kaliil maanta oo Arbaca ah, iyada oo loo hogaansamayo amarka kasoo baxay Guddida Anshaxa .

“Safarka waxa aan u baajinnay annaga oo u hoggaansamaynna amarka caawa ka soo baxay Guddida Anshaxa ee Komishinka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay murshaxa xisbiga Waddani ee Cabdiraxmaan Cirro.

Mudada rasmiga ah ee ololaha doorashada madaxtooyada iyo xisbiyada ayaa bilaabmi doonta 19-ka bishaan October , waxayna socon doontaa ilaa 10-ka bisha November.

Maalmaha ololahooda doorashada ayaa Xisbiyada hadda jira ee seddexdda ah waxay heleen seddex maalin halka ururada doonaya in ay u gudbaan xibiyadana ay labo maalin heleen.

Dadweynaha Somaliland ayaa u dareeri doona doorasahda subaxnimada 13-ka bisha November, iyada oo natiijada hordhaca ah lagu dhawaaqi doono isla bishaas 20-keeda.

Haddii ay dhacdo doorashadan xilliga la muddeeyay, waxay soo af-jari doontaa khilaaf siyaasadeed oo hareeyay Somaliland labadi sano ee lasoo dhaafay, kaas oo saameyn ku yeeshay dhinacayda horumarka, amniga iyo siyaasadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here