Friday, October 18, 2024

ONLF oo qiimeyneysa heshiiskii ay la gashay xukuumadda Itoobiya

Jigjiga (Dawan)- Guddoomiyaha Jabhadda Xoraynta Ogaadeenya (ONLF), Cabdiraxmaan Mahdi ayaa shir degdeg ah isagu yeeray Gole Dhexe ee Jabhadda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa.

Shirka ayaa lagu wadaa inuu dhaco maalmaha 26 iyo 27 ka bishaan October, iyada oo looga hadli doonaa dhowr arrin oo ay ka midyihiin in la qiimeeyo heshiiskii nabadda ee ay Jabhaddu la gashay xukuumadda Itoobiya sanadkii 2018kii.

Heshiiska ayaa looga gol lahaa in lagu soo afjaro dagaaladdii waqtiga dheer qaatay ee dhexmaray labada dhinac.

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doona arrimaha ka taagan Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika, si Jabhaddu uga qaadato go’aan arrimaha saameynta ku leh mustaqbalka gobolka.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyada oo ONLF ay dhawaan ku eedeysay xukuumadda Itoobiya inay ka waddo dowlad deegaanka Soomaalida tiilaabooyiin baalmarsan dastuurka dalkaas iyo heshiiskii nabadda ee 2018 ay wada galeen ONLF iyo xukuumadda Itoobiya.

Sidoo kale, waxay jabhaddu ka digtay in wax ka bedel lagu sameeyo calanka iyo magaca dowlad deegaanka Soomaalida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here