Friday, October 18, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Nabaddaو Rosemary A. DiCarlo, ayaa soo gaartay Muqdisho iyadoo ay soo dhaweeyeeyn Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomalaiya iyo Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu xusayey sannad-guuradii 30-aad ee kasoo wareegtay Aas aaskii lacagta shilling-ka Somaliland iyo baanka dhexe.

Kenya

Aqalka sare ee Kenya ayaa maanta go’aamin doona masiirka madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua. Golaha ayaa ayidi doona go’aankii xildhibaanada baarlamaanka ama meesha ka saari doona.

Angola

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa booqasho ku tegi doona Angola bisha December, ee soo socota, waana booqashadiisi ugu horeysay ee uu ku tago wadamada Saxaraha ka hooseeya.

Mozambique

Booliska Mozambique, ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday boqolaal taageerayaasha musharraxa mucaaradka ah oo ka careysan natiijada hordhaca ah ee doorashadii dhacday 9-kii Oktoobar. Xisbiga talada haya, ayaa hadda hogaaminaya dhammaan 11-ka gobol ee uu dalkaas ka koobanyahay.

Yurub

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa ku dhaleeceeyay Mareykanka inuu siiyay Israel muddo bil ah si ay wax uga qabato xaaladda bini’aadantinimo ee Marinka Gaza. Arrintan ayaa loo arkaa in Mareykanku uu iska indha tirayo xadgudubyda ka dhanka ah xuquuqda aadana ee ay geysanayaan ciidamada Israel.

Mareykanka

Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu booqan doono Berlin Jimcaha, isaga oo la kulmi doonaa dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron, Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz, iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer.

Falastiin

In ka badan 42,409 qof ayaa ku dhintay dagaalka Gaza tan iyo markii uu billaawday, waxaana ku dhaawacmay 99,153. Burbur baaxad leh, macluul iyo masiibo bini’aadantinimo oo aan hore loo arag, ayaa usii dheer intaas dadka Falastiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here