Tuesday, October 22, 2024

Somaliland.. Billaabashada ololaha doorashada iyo qalabkii codeynta oo laga keenay dibadda

Hargeysa (Dawan)- Maanta waxaa si rasmi uga billowday Somaliland ololaha doorashada isa saaran ee Madaxtooayda iyo axsaabta, taas oo socon doonta ilaa laga gaaro 10-ka Nofeembar 2024.

Urur siyaasaddeedka Barwaaqo oo hiigsanaya inuu noqodo Xisbi ayaa maanta kusoo bandhigay magaalooyiinka kala duwan ee Somaliland awoodiisa iyo taageerayaasha uu haysto.

Ururku waxa uu sidoo kale u ololeynaya in isbedel ku yimaado hoggaanka Somaliland.

Berri oo ku beegan 20-ka Oktoobar waxaa ololaha iska leh Urur siyaasaddeedka Rejo.

Maalmaha ololahooda doorashada ayaa Xisbiyada hadda jira ee seddexdda ah waxay heleen min seddex maalin halka ururada doonaya in ay u gudbaan xibiyadana ay labo maalin heleen.

Dhanka kale, waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee Cigaal laga soo dejiyay qalabkii doorashooyiinka Madaxweynaha ,Ku-Xigeenkiisa iyo Xisbiyada oo la qorsheeyay in la qabto 13 November 2024.
Komishanka Doorashooyinka oo ay wehelinayaan Guddida Hawlgallinta Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda ayaa goob joog ka ahaa soo dejinta Waraaqadaha codbixinta oo laga keenay dibadda.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, Muuse Xasan Yuusuf oo goobta ka hadlay ayaa yiri; ” Waa maalin ku wayn qaranka Somaliland. Waa maalintii qalabkii ugu dambeeyay ama ugu muhiimsanaa ee doorashadu uu si nabadgelyo ah uu ku yimid”

Dadweynaha Somaliland ayaa u dareeri doona doorasahda subaxnimada 13-ka bisha November, iyada oo natiijada hordhaca ah lagu dhawaaqi doono isla bishaas 20-keeda.

Haddii ay dhacdo doorashadan xilliga la muddeeyay, waxay soo af-jari doontaa khilaaf siyaasadeed oo hareeyay Somaliland labadi sano ee lasoo dhaafay, kaas oo saameyn ku yeeshay dhinacayda horumarka, amniga iyo siyaasadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here