Tuesday, October 22, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Kampala

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tegay Kampala, si uu dhiggiisa Uganda, ugala hadlo qorshaha kala guurka howgalka ATMIS, iskaashiga dhinacyada amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka.

Hargeysa

Maanta waxaa si rasmi uga billowday Somaliland ololaha doorashada isa saaran ee Madaxtooayda iyo axsaabta siyaasadda, kaas oo socon doona ilaa laga gaaro 10-ka Nofeembar 2024.

Jabuuti

Jabuuti ayaa diri doonta dhawaan dayax gacmeedki labaad, sida uu sheegay Guddoomiyaha Maamulka Dekedaha Abuukar Cumar Haadi. Dayax gacmeedkeedii ugu horreeyay, oo lagu magacaabo Djibouti-1A, waxay dirtay bishii November ee sanadkii tegay

Jigjiga

Waxaa markii ugu horeysay laga fuliyay Dowlad Deegaanka Soomaalida qaliinnada Wadnaha oo markii horay loo aadi jiraya magaalada Addisababa.

Kenya

Dhaarinta Kithure Kindiki, oo ay baarlamaanka Kenya cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in uu noqdo madaxweyne ku xigeenka cusub, ayaa dib loo dhigay todobaadka dambe kadib markii ay maxkamaddu amartay in la hakiyo hannaanka uu xilka kula wareegayo.

Itoobiya

Guddiga Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ansixiyay dib-u-eegistii ugu horreysay ee barnaamijka deyn-bixinta $3.4 bilyan ee Itoobiya, taas oo suuragelisay in Itoobiya loo sii daayo $340.7 milyan oo ka mid ah deynta.

Masar

Badr Cabdicaadi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Masar, ayaa sheegay in dalkiisa ay mas’uuliyadi ka saarantahay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa inay awood u yeelato ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhamaan dhulkeeda, iyada oo la raacayo nidaamka caalamiga.

Mozambique

Dabley hubaysan ayaa xalay ku dilay caasimadda Mozambique qareenkii hoggaamiyaha mucaaradka ah ee dalkaas iyo iyo sarkaal sare oo ka tirsan mucaaradka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay maanta xisbiga mucaaradka.

Suudaan

Dowladda Suudaan ayaa ku celisay ballan qaadkeedii ahaa in ay fududeyneyso sidii kaalmo bini’aadantinimo loo gaarsiin lahaa dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay colaadda ka taagan dalkaas.

Bariga Dhexe

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo kasoo duushay Lubnaan ayaa duqeysay guriga uu degan yahay Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo ku yaalla magaalada Qaysaariya, waxaana halkaasi ka dhacay qarax weyn, sida ay sheegeen ilo-wareedyo rasmi ah.

UK/ China

Xoghayaha arrimaha dibadda UK David Lammy oo safar labo maalmood ah ku jooga Shiinaha ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Shiinaha.

Falastiin

In ka badan 42,500 qof ayaa ku dhintay dagaalka Gaza tan iyo markii uu billaawday, waxaana ku dhaawacmay 99,546. Burbur baaxad leh, macluul iyo masiibo bini’aadantinimo oo aan hore loo arag, ayaa usii dheer intaas dadka Falastiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here