Tuesday, October 22, 2024

Qaxooti Soomaali ah oo laga soo celiyay Yemen

Cadan (Dawan)- Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa fududeysay in 157 qof oo Soomaali ah kuwaas oo ku noola Yemen in dalka dib loogu soo celiyo.

Dadkaan oo qaxooti ku ahaa Yemen mudda dheer, ayaa ugu dambeyn go’aansadady inay dalkooda dib ugu soo noqdaan, iyada oo aan la qasbin.

Dadka lasoo celiyay waxay isagu jiraan haween, carruur iyo dad kale kuwaas oo ay soo wajahday duruuf adag tan iyo markii uu dalkaas galay dagaalka sokeeye ee mudda dheer qaatay.

Barnaamijkan soo noqoshada oo ay fududeeysay UNHCR waxaa lagala kaashaday hay’adaha samafalka ka shaqeeya ee Yemen iyo Soomaaliya. Yeman ayaa ah dalka seddexaad ee marti geliya qaxootiga ugu badan ee Soomaali ah, waxaana lagu qiyaasay tiradooda 71,000, oo qof sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ku dhawaad 6,500, oo qof oo qaxooti Soomaali ah kuna noola dalka Yeman inay si iskood ah ugu laabteen dalkooda tan iyo sannadkii 2017-kii. Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer hore uga deyrisay nolsoha ay ku jiraan qaxootiga Afrikaanka ah ee ku sugan Yemen kuwaas oo wajahaya xaalad nololeed oo adag.

Xukuumadda Soomaaliya waxay dadaal badan ku bixineysaa in dalka lagu soo celiyo muwadiniinta ku dhibaateysan dalalka shisheeye, waxaana ilaa iyo hadda dad laga soo celiyay Suudaan, Libya iyo dhowr dal oo kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here