Wednesday, October 23, 2024

War-murtiyeedka laga soo saaray kulanka Xasan Sheekh iyo William Ruto

Nairobi (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaba gabeeyay booqashadiisi shaqo ee uu ku joogay dalka Kenya, muddo labo maalmood ah.

Xasan ayaa dhiggiisa Kenya, William Ruto la qaatay kulan diiradda lagu saaray xiriirka labada dal, qorshaha kala guurka ATMIS iyo kan cusub ee AUSSOM, xaaladda gobolka iyo arrimaha ka quseeya caalamka.

Kulanka kadib, waxaa lasoo saaray war-murtiyeed ka kooban 16 qodob oo u qornaa sidaan;

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho shaqo ku tagay Jamhuuriyadda Kenya intii u dhaxeysay 21-kii ilaa 22-kii bishan Oktoobar 2024, kadib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane Dr. William Samoei Ruto.
  2. Madaxdu waxay wada hadal rasmi ah ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna dib u eegis ku sameeyeen xiriirka labada dal, xaaladda gobolka iyo arrimaha kale ee caalamiga ah.
  3. Waxay soo dhaweeyeen xiriirka wanaasgan ee ku dhisan walaaltinimada , waxayna hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in la sii xoojiyo , korna loo qaado iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dal.
  4. Madaxweynayaashu waxay xaqiijiyeen in loo baahan yahay wada-hadal joogto ah si looga mira dhaliyo danaha labada dowladood, taasoo ku dhisan is-faham. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay in la helo xalal dhowra oo ka tarjumaya rabitaanka labada dal si loo abuuro xiriir adag oo ay wadaagaan labada dal.
  5. Mudane Dr William Samoei Ruto ayaa ugu hambalyeeyay Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud doorashada Soomaaliya ee xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026. Waxa uu xusay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay kaalin muhiim ah ka qaadato qaabeynta doodaha caalamiga ah ee nabadda iyo amniga inta lagu guda jiro xilliga xasaasiga ah ee dib u habeynta nidaamka caalamka ah.
  6. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo gobolka, iyagoo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la ilaaliyo nabadda, amniga, iyo xasiloonida dalalka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika iyadoo la ilaalinayo mabaadi’da caalamiga ah ee ku dhisan ixtiraamka iyo faragelin la’aanta gobanimada dowladaha.
  7. Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay dhiggiisa Kenya Mudane Dr. William Samoel Ruta sida hagar la’aanta ah ee uu u garab taagan yahay dadaallada dowlad dhisidda Soomaaliya iyo doorka muuqda ee uu ka qaatay soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale qiray doorka weyn ee Ciidamada Difaaca Kenya ay ka qaateen dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyaga oo garab siinaya Ciidamada kale ee ATMIS iyo Ciidamada Amaanka Soomaaliya.
  8. Madaxdu waxay soo dhaweeyeen aasaaska howlgalka cusub ee taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagu sii ambaqaadi doono guulihii lagu soo hooyay howlgalkii ka horreeyay ee ATMIS.
  9. Madaxdu waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in si habsami leh looga wareejiyo mas’uuliyadda amniga ee ATMIS loona wareejiyo AUSSOM, taasoo la qorsheeyay inay bilaabato howlaheeda 1-da Janaayo 2025. Waxay isla qireen muhiimadda ay leedahay in AUSSOM ay hesho agab ku filan, waxayna xuseen in loo baahanyahay sahaminta dhammaan fursadaha maalgelinta, uu ka mid yahay qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2719.
  10. Madaxdu waxay muujiyeen baahida muhiimka ah ee loo qabo in la taageero hirgelinta qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya iyo horumarinta xarumaha nabad-sugidda Soomaaliya (SSP) Waxayna beesha caalamka ka codsadeen inay gacan ka geysato ​​sidii loo dhisi lahaa awoodahaas si loo xaqiijiyo in si habsami leh loogu gudbo AUSSOM.
  11. Mudane Dr Willam Semas Ruto ayaa mar kale u xaqiijiyay dhiggiisa Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud in Kenya ay garab taagan tahay Soomaaliya ayna sii wadi doonto taageeradeeda joogta ah.
  12. Madaxdu waxay qireen muhiimadda iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhashay guddiga wadajirka ah ee iskaashiga (JCC), kaas oo looga gol leeyahay xoojinta cilaaqaadka labada dal. Waxay dib u milicsadeen qodobadii ka soo baxay shirkii 3-aad ee guddiga wadajirka Kenya iyo Soomaaliya, kaas oo ka dhacay Nairobi 3-dii ilaa 6-dii May 2024, waxayna ku ballaameen in kalfadhiga 4-aad uu ka dhici doono Soomaaliya 2025-ka.
  13. Madaxweynayaashu waxay waxay mar kale xaqiijiyeen inay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka labada dal ee ganacsiga iyo maalgashiga. Waxay isla qireen fursadda ay labada waddan haystaan si ay abuuraan nidaam ganacsi oo awood badan.
  14. Iyagoo garwaaqsan fursadaha baaxadda leh ee ganacsiga, labada hoggaamiye waxay go’aansadeen inay ka shaqeeyaan xallinta caqabadaha hortaagan furitaanka suuqyada iyo fududaynta isu socodka badeecadaha iyo adeegyada. Waxay ku amreen Wasiirada u xilsaaran Ganacsiga inay u kuur galaan sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga labada dal, waxayna ku dhiirigeliyeen ganacsiga gaarka loo leeyahay inay ka faa’iidaystaan ​​siyaasadaha ganacsiga ee ay labada dowladood hirgeliyeen.
  15. Marka la eego heer gobol, madaxdu waxay ku celceliyeen baahida loo qabo in laga faa’ideysto nidaamyada urur goboleedyada ka jira gobolka sida EAC, COMESA, iyo IGAD si kor loogu qaado iskaashiga dhaqaalaha iyo isdhexgalka. Waxay qireen in habka is-dhexgalka Bulshada Bariga Afrika uu ballaartay kadib ku biiridii Soomaaliya, taasoo calaamad cusub u ah is-dhexgalka gobolka iyo helidda madal ballaaran oo qaabilsan dhanka iskaashiga ganacsiga.
  16. Gebagebadii booqashada, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mahadcelin ballaaran u jeediyay Mudane Dr William Ruto, dowladda, iyo shacabka Jamhuuriyadda Kenya sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here