Thursday, October 24, 2024

5 qodob oo ay tahay inaad ka ogaato ururka dhaqaalaha BRICS

Kazan (Dawan)- Magaalada Kazan ee dalka Ruushka, waxaa ka socda shir-madaxeedka sannadlaha ah ee dowladaha ku bahoobay ururka dhaqaalaha BRICS, iyaga oo ka doodaya sidii looga gudbi lahaa caqabadaha dhaqaale ee haysta dowladahan oo hadda noqday 10 dal.

Shirka waxaa sidoo kale diiradda lagu saaraya  haqab-beelka cuntada iyo arrimaha tamarta,waxaana sanadkaan hal-hays looga dhigay “BRICS iyo Dunida Koonfurta;  in si wadajir ah loo dhiso duni  wanaagsan.”

Mas’uuliyiin ka socota 36 waddan iyo 6 hay’adood oo caalami ah ayaa ka qayb galaya shirarka, kuwaas oo ka doodaya qaab dhismeedka nidaamka caalamiga ah, xasaradaha ka taagan dunida iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Aan kula wadaagno shan qodob oo ay tahay inaad ka ogaato dowladaha ku bahoobay BRICS

Waa maxay BRICS?

BRICS waa urur dhaqaale oo ay horay ugu bahoobeen Brazil, Russia, India, China iyo Koonfur Afrika. Magaca BRICS waxa uu ka yimid xarfaha ugu horeeya ee magacyada shantaas dal.  Brazil, Russia, India iyo China ayaa  ku kulmay  shirkii ugu horeeyay ee BRICS 2009. Koonfur Afrikana waxay ku biirtay sanad ka dib.

Ujeedka  Isbaheysigan  ayaa ah in laga hoos baxo nidaamka dhaqaalaha iyo siyaasadda ee reer galbeedku u yahay hormuud .

2023, BRICS waxay aqbashay xubinimada  Masar, Itoobiya, Iran, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ka dib markii dalalkan ay codasdeen inay ka mid noqdaan Ururka.

Waa maxay ujeedka BRICS ?

Arrinta ugu weyn ee ay ku midaysan yihiin xubnaha BRICS ayaa ah sida ay uga niyad jabeen hay’adaha dhaqaalaha caalamiga ah ee ay reer galbeedku hoggaamiyaan.

Dowladahani waxay Mareykanka iyo xulafadiisa u arkaan inay nidaamka dhaqaalaha u adeegsadaan qaab dagaal, iyaga oo cunaqabatayn dul saaara dalkii la yimaada siyaasad aysan raali ka ahayn.

Ruushka iyo Shiinuhu waxay dunida ka iibiniyaan in laga hor yimaado siyaasadda Mareykanka iyaga oo ka faa’iideysanaya taageerada aan xadka lahayn ee uu ku siiyay Israel duullaankeeda Gaza.

2023, madaxweynaha Brazil ayaa soo jeediyay in dowladaha BRICS ay yeeshaan lacag u gaar ah, laakiin khubarada dhaqaalaha ayaa ka digay in hindise kasta oo noocaas ah uu la kulmi karo  caqabado badan oo ay adagtahay in loo helo xal fududd.

Taa baddalkeeda, xubnaha BRICS waxay hadda ka shaqaynayaan inay ganacsigoodka laba geesoodka ah u isticamaalaaan lacagahooda gaarka ah si  ay u yareeyaan ku tiirsanaanta dollarka.

Awoodda Dhaqaale ee dowladaha BRICS

Dowladaha BRICS waxay hadda ku fadhiyaan saddex meelood meel dhulka aduunka, dadkoodana waxaa lagu qiyaasaa 45% dadka dunida, waxayna leeyihin  kaydadka shidaalka dunida qiyaastii 45%.

Waxaa  bangiyadooda ku jira in ka badan 17% kaydka dahabka ee aduunka

BRICS  waxay hiigsaneysaa inay noqoto awood dhaqaale oo caalami ah la tartami karta kooxda G7 ee uu Mareykanku hogaamiyo, ayna ku jiraan France, Britain, Germany, Italy, Canada iyo Japan. G7 ayaa gacanta ku haysa  60% hantida adduunka.

Muxuu shirkan muhiim ugu yahay Putin?

Tan iyo markii Ruushku uu dagaal ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022, waxa uu Reergalbeedka kala kulmay dagaal nuuc kasta ah.  Bil ka dib markii uu dagaalku billowday, dalalka Kanada, Midowga Yurub, Japan, New Zealand, Taiwan, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa cunaqabatayn dhowr ah kusoo rogay bangiyada, warshadaha shidaalka  iyo hubka ee Ruushka.

Maxkamadda  ICC-da ayaa sidoo kale amartay in lasoo qabto  Putin taas oo ka dhigan  inuusan u safri karin dalalka saxiixay heshiiskii Rome oo ah heshiiskii Qaramada Midoobay ee lagu dhisay maxkamadda.

Sannadkii 2023-kii, waxa uu Putin ka baaqday shir-madaxeedkii BRICS ee Koonfur Afrika, oo ka mid ah dalalkii saxiixay  heshiiska, iyadoo lagu cadaadiyey Pretoria inay soo xirto  hoggaamiyaha Ruushka haddii uu yimaado dalkeeda.

Marka la eego shirkan hadda ka socda dalkiisa ee la isaga yimid dunida daafaaheeda, Putin waxa uu diraya farriin ah in Reer-galbeedku ku fashilmay inuu go’doomiyo Ruushka, siyaasad ahaan.

Farriinta kale ee laga dheehan karo shirka ayaa ah inay jirto baahi loo qabo in la helo nidaam ka duwan kan maanta ka jira dunida.

Maxaa tahay tillaabada xigta ee  BRICS?

Kooxda BRICS way sii fidaysaa. Wadamada Koonfur-Bari Asia  ayaa dhawaan muujiyay xiisaha ay u qabaan ku biiritaanka isbahaysigan . Thailand waxay sheegtay inay doonayso inay ku biirto.

Sidoo kale 18-kii Juun, Malaysia waxay muujisay xiisaha ay u qabto  ka mid noqoshada BRICS.

Turkiye, oo xubin ka ah NATO, ayaa sidoo kale si rasmi ah u codsaday inuu ku biiro ururkan bishii September ee la soo dhaafay.

Ruushku waxa uu soo jeediyay in la sameeyo lacag danabaysan taas oo qayb ka noqon karta isla jaan qaadiida dhanka dhaqaalaha ee dowladaha BRICS.

Lacagaha danabaysan ayaa lagu xiri doonaa qiimaha lacagaha xubnaha dowladaha BRICS iyada oo la kaashanayo bankiyada lacagaha ee ay leeyihiin dowladahaas.

Malaga yaaba in BRICS ay meesha ka saarto nidaamka caalamiga ah ee dunida soo hogaaminayay tan iyo dagaalkii labaad ee dunida?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here