Thursday, October 24, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray wafdi ka socda Turkiga kaas oo ka qayb gelaya munaasabadda lagu soo dhawaynayo Markabka kusoo wajahan Soomaaliya si uu u sameeyo sahminta shidaalka.

Hargeysa

Urur siyaasadeedka Kaah oo hiigsanaya inuu noqodo Xisbi ayaa maanta kusoo bandhigay magaalooyiinka kala duwan ee Somaliland awoodiisa iyo taageerayaasha uu haysto, iyada oo lagu jiro maalintii lixaad ee ololaha doorashada.

Hargyesa

Safiirka Denmark ee Soomaaliya, Steen Sonne Andersen ayaa maanta kala hadalay Komishanka Doorashooyinka Somaliland halka ay marayaan hawlaha doorashooyinka isku-sidkan ee la filayo inay dhacaan 13ka November.

Nairobi

Waxaa maanta xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee Nairobi lagu qabtay isku soo bax looga soo horjeeday dilkii loo gaystay hooyo, gabadh ay dhashay iyo gabadh ay habaryar u ahayd kuwaas oo ahaa Soomaali. Waxaa sidoo kale maanta xirnaa suuqyada ganacsiga ee xaafadda Islii.

Itoobiya

Gobolka Amxaarada ee Itoobiya waxaa cudurka duumada u dhintay 37 saddexdii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo in ka badan 64,000 xaaladood oo cusub la diiwaan geliyay toddobaad gudihiisa.

Mozambique

Guddiga doorashooyinka Mozambique ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan natiijada doorashadii guud ee dalkaas ka dhacday 9-kii October iyada oo ay jiraan cabashooyin ku saabsan musuqmaasuq.

Zambia

Zambia waxay u dabaal dageysa sannad guuradii 60-aad ee maalintii ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska. Madaxweyne Hakainde Hichilema ayaa booqan doona taallooyinka dadkii naftooda u huray inay xoreeyaan dalkooda.

Faransa

Faransiisku waxa uu martigelin doona shir caalami ah oo lagu taageerayo dalka Lubnaan iyo madax-banaanidiisa kadib weerarkii ay Israel ku qaaday sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Noel Barrot.

Ruushka

Magaalada Kazan ee dalka Ruushka waxaa maanta lagu soo gabagabeynyaa shir madaxeedka ururka BRICS oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday dalkaas.

Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in shan qof lagu dilay toogasho ka dhacday dalkaas, iyada oo laamaha amnigu ay weli ku jiraan baadi goob la xiriira sidii loosoo qaban lahaa dilaaga.

Nigeria

Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa Arbacadii shaqada ka ceyriyay shan wasiir, kadib hal sano oo ay ka tirsanaayeen xukuumadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here