Sunday, October 27, 2024

Markabka baarista shidaalka Oruç Reis oo soo gaaray Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Kadib 20 maalin uu soo socday, ugu dambeyn, waxa uu markabka baarista shidaalka ee Oruç Reis kusoo xirtay dekedda Muqdisho oo loogu samaynayo xaflad soo dhawayn ah si uu u billaabo howlaha baarista iyo qodista shidaalka ku jira xeebaha Soomaaliya.

“Oruç Reis waxa uu gaaray maanta meeshii uu ka howlgeli lahaa isaga oo safar kusoo maray qaarado kala duwan. Waxaan Soomaaliya kusoo dhawaynaynaa markabkeeni cilmi baarista sahmineed ee shidaalka” sidaas waxaa yiri; Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.

Wasiirka iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda dowladda Turkiga ayaa Muqdisho usoo gaaray munaasabadda soo dhawaynta markabka Oruç Reis, waxaana madaxtooyada ku qaabilay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Rajo iyo Horumar

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay imaanshaha markabkan mid guul u ah shacabka Soomaaliyeed taas oo muujineysa rajo iyo horumar loo qaaday ka faa’iideysiga khyeraadka dabiiciga ah ee dalku leeyhay.

” Maanta, waxaan u dabaaldegeynaa guul muhiim ah anagoo Soomaaliya ku soo dhaweynayna Oruc Reis, oo ah markab cilmi baaris ah oo Turkiga laga leeyahay. Markabkani waxa uu qaban doonaa hawsha ugu muhiimsan ee samaynta xog ururinta seismic 3D ee abid laga sameeyo baddeena” sidaas waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Tillaabadan ayaa looga gol-leeyahay higelinta heshiiskii ay labada dowladood kala saxiixdeen bishii March ee lasoo dhaafay ee kusaabsanaa sahminta, qiimeynta, horumarinta iyo soo saarista shidaalka badda Soomaaliya.

Turkiga waxaa ruqsad loo siiyay inuu shidaal ka qodo saddex goobood oo middiiba tahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar.

Maxaan ka naqaanaa markabka  Oruç Reis?

Markabka sameynaya shidaal baarsita, waxaa lagu magacaaba  Oruç Reis, oo samayntiisa la billaabay sannadkii 2012, waxa uuna si rasmi ah u shaqa galay bishii March ee sanadkii 2015.

Marakabka  Oruç Reis ayaa howshisii ugu horeysay ee sahminta shidaalka ka sameeyay badda Mediterranean-ka sanakii 2017.

Dhirirkiisu waxa uu dhan yahay 87 mitir halka ballaciisa lagu sheegay 23 mitir , waxa uuna hore uga fuliyay badda Marmara iyo Black Sea hawlgalo sahamin ah.

 Oruç Reis waa mid ka mid ah maraakiibta lixda ah ee dunida ka sameysa cilmi-baarista kala duwan ee dhinacayda shidaalka, waxaana ku xiran qalab casri ah oo laga maamuli karo meel fog.

Howlihiisa waxaa ka mid ah sahminta shidaalka, gaaska dabiiciga ah iyo macdanta, la socoshada gunta hoose ee badda, baarista dhul-gariirka, fiilooyiinka la marisooyo badda hoosteeda iyo ogaanshaha wasakhowga badda iyo isbedelka cimilada.

Laba markab oo kuwa dagaalka ah iyo mid kale oo qaabilsan caawinta dheeraadka ah ayaa la socda markabka samaynaya baarista shidaalka. Turkidu waxay ku doodayaan inay howl adag ka fulinayan xeeb furan oo wax kasta laga filan karo taasna ay keentay in loo baahdo tillabadan lagu ilaalinayo markabka baaraya shidaalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here