Sunday, October 27, 2024

ONLF oo dib u dhigtay Kalfadhigii Golaha Dhexe ee lagu ballansanaa berri

Nairobi (Dawan)- Jabhadda Xoraynta Ogaadeenya (ONLF) ayaa shaacisay in dib loo dhigay Kalfadhigii Golaha Dhexe ee lagu ballansanaa inuu berri billaawdo. Go’aankaas waxaa laga soo saaray shir degdeg ah oo maanta uu yeeshay Guddiga Fulinta Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF)

Go’aankaan ayaa yimid kadib markii si qoto dheer loo eegay caqabadaha farsamo iyo taakulayn ee saamayn kara abaabulka iyo habsami u qabsoomidda Kalfadhiga, iyada oo Guddoomiyaha Jabahddu ka codsaday Golaha Dhexe in dib loo dhigo kalfadhiga.

War-saxaafadeed kasoo baxay jabhadda ayaa lagu sheegay in dib laga shaacin doono goorta uu dhici doono kulanka Golaha Dhexe marka la dhamaystiro hammaan diyaar garowga farsamo.

Shirka Jabhadda ayaa lagu waday inuu dhaco maalmaha 26 iyo 27 ka bishaan October, iyada oo la doonayay in lagu qiimeeyo heshiiskii nabadda ee ay Jabhaddu la gashay xukuumadda Itoobiya sanadkii 2018kii.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here