Saturday, October 26, 2024

Maxay tahay Khariiddada muranka dhalisay ee ay dowladdu soo bandhigtay?

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray; Xuseen Sabriye

Khariiddada Soomaaliya ee ka muuqata sawirka 1ᵃᵃᵈ waxaa bishii October 1992 diyaarisay waaxda khariidadaha u qaabilsan Qaramada Midoobay oo summad uga dhigtay #3690, waxa ayna markii 10ᵃᵃᵈ dib u cusbooneysiisay bishii December 2011.

Khariiddadan oo la raaciyay sharraxaad dheeri ah, sida ka muuqata sawirka 2ᵃᵃᵈ, laguna xusay deegaanno lagu muransan yahay sida Mudug, Sool, iyo Sanaag, ayaa machadka Chatham House ee dalka Ingiriiska waxa uu September 2015 ku daabacay bogga 3ᵃᵃᵈ ee Cilmibaaris uu ka sameeyay Mustaqbalka Federaalka Soomaaliya. Faahfaahin uu machadku raaciyay khariiddada ayuu ku sheegay in uu ka xigtay Qaramada Midoobay, balse ay sharraxaad dheeri ah raaciyeen Chatham House, mahcadka Rift Valley Institute iyo International Crisis Group (ICG).

Sida ka muuqata khariiradda, Jubbaland, Koonfur-Galbeed, iyo Galmudug, waxaa lagu summadeeyay calan basali ah, oo ka dhigan in ay xilligaas ka jireen maamullo ku-meel-gaar ah. Halka Hiiraan iyo Shabeellada dhexena lagu calaamadeeyay calan cagaar ah, maadaama uusan maamul ka jirin, oo Hirshabeelle dib laga sameeyay.

Waxaan arkay madax iyo warbaahin sheegaysa in khariiraddan uu sameystay Madaxweyne Xasan Sheekh. Inta aan ogahay, madaxdu kama warqabto waxa ku qoran boorarka uga horreeya xafladaha ay ka soo qeybgalaan, waxaana masuuliyaddaas leh cidda xafladda agaasimaysa.

In badan ayaan la macaamilay dad wax naqshadeeya iyo shirkado boorarka daabaca, badankood Google ayay ku tiirsan yihiin, mana u fiirsadaan farriinta ay gudbinayaan sawirrada ay xulanayaan, iyo nuxurka iyo tifaftirka hadallada ay ku qorayaan.

Sida muuqata, isticmaalka khariiraddaan waa khalad ka dhacay qofkii boorka naqshadeeyay iyo tifaftir la’aanta Wasaaradda Batroolka oo xafladdan soo agaasintay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here