Jigjiga (Dawan)- Magaalada Jigjiga waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay Maalinta Cudurka Dabaysha (Polio) ee Adduunka, sida ay baahisay warbaahinta Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDS).
Xuskan, oo ay soo qabanqaabiyeen Xafiiska Caafimaadka DDS iyo Hay’adda Save the Children, ayaa bulshada loogu wacyi-gelinayay muhiimadda talaalka kahortaga cudurka dabaysha si loo yareeyo khatarta cudurkan oo si degdeg ah u naafeyn kara qofka uu ku dhaco.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS Marwo Xaawo Saleebaan, Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Dhaqaalaha Dr. Daahir Maxamed, Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Bariga Itoobiya Dr. Maxamed Aadan, iyo wakiillo ka socday hay’adaha bahwadaagta.
Masuuliyiinta madasha ka hadashay ayaa tilmaamay dadaallada ay Dowladda Itoobiya iyo hay’adaha caalamiga ahi ku bixiyeen dabargoynta cudurka dabaysha, kaas oo Itoobiya ay ka qaaday tallaabooyin muhiim ah ilaa sannadkii 1980-kii.
Masuuliyiinta ka qeybgalay ayaa ku booriyay bulshada inay ka faa’iideystaan adeegyada talaalka si loo ilaaliyo caafimaadka guud ee bulshada, waxayna sheegeen in Xafiiska Caafimaadka DDS iyo hay’adaha bahwadaagta ah ay sii wadi doonaan shaqada baaxadda leh ee lagula dagaallamayo cudurkan.
Duumada (Polio) ayaa ahaa caqabado caafimaad oo weyn oo Afrika soo wajahday, balse sanadihii u dambeeyay waxaa la gaaray guulo waaweyn oo lagu dabar-gooyay cudurkan qaaradda.
Afrika waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inay ka xorowday duumada nooca wild poliovirus bishii Agoosto 2020, taas oo ahayd guul weyn ka dib markii tobanaan sano la waday dadaallo tallaal oo ay hormuud u ahaayeen hay’adaha sida Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Hindisaha Caalamiga ah ee Dabar-goynta Polio (GPEI), iyo dowlado badan oo Afrikaan ah.