Wednesday, October 30, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Kadib hal maalin uu dib uga dhacay xilligi lagu ballaansanaa, waxaa maanta ka fumray magaalada Muqdisho Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, iyada oo aysan joogin madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Hargeysa

Xisbiga Waddani oo hiigsanaya inuu la wareego hoggaanka Somaliland ayaa maanta kusoo bandhigay fagaarayaasha la isagu soo baxo awoodiisa iyo taageerayaasha uu haysto, iyada oo lagu jiro maalintii sagaalaad ee ololaha doorashada.

Muqdisho

Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa bilaaway diiwaangelinta dufcadii kowaad ee macallimiinta qaranka ee kasoo gudbay imtixaankii Wasaaradda Waxbarashada, kuwaas oo ka howl geli doona Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Itoobiya

Orodyahanka Ethiopia Yomif Kejelcha ayaa jebiyay rekoodhkii aduunka ee nus marathon-ka ee ragga, isaga oo ku dhameeyay 57 daqiiqo iyo 30 ilbiriqsi orodkii ka dhacay magaalada Valencia ee dalka Spain.

Japan

Shacabka Japan ayaa maanta u dareeray doorashada Golaha Baarlamaanka dalkaas oo loo arko inay tijaabo u tahay xisbiga talada haya oo la daala dhacaaya fadeexooyiin la xiriira lacago loo isticmaalay hannaan qaldan. Natiijada ayaa la filayaa inay soo baxdo ka dib marka ay codbixintu dhammaato.

Spain

Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah ku tagaya Hindiya. Labada dhinac ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan xiriirka labada dal iyo sidoo kale xaalada bariga dhexe.

Filibiin

Filibiin waxaa ka socda maalinti seddexaad howlgalka samata bixinta dadkii waxyeeladu kasoo gaartay duufaantii dalkaas ku dhufatay. Ugu yaraan 81 qof ayaa ku dhintay, tobanaan kalena weli waa la la’yahay.

Ghana

Dowladda Ghana ayaa gaashaanka u daruurtay eedeyn loo jeediyay oo la xiriirta inay xarumo qarsoodi ah siisay kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Burkina Faso.

Kenya

Boniface Mwangi oo ka mid ah dadka caanka ah ee Kenya ayaa laga afduubtay gurigiisa, sida ay sheegtay xaaskiisa.

Falastiin

Seddex wariye ayaa ku dhintay duqeyn ay Israel ka fulisay Marinka Gaza, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee suxufiyiinta ku dhintay duullaanka Israel 180 wariye.

Lubnaan

8 qof ayaa ku dhintay oo ay ku jirto gabar yar, 25 kalena waa lagu dhaawacay, weerar cirka ah oo ay Israel ku qaaday koonfurta Lubnaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here