Sunday, November 24, 2024

Rodri oo si lama filaan ah ugu guuleystay Ballon d’Or 2024

Paris (Dawan)- Inkasta oo loo badinayay in ciyaariyahanka reer Brazil ee Vinicius uu ku geeleysan doono kubadda dahabka hadana waxaa si lama filaan ah uga dafay Rodri Hernández oo u dhashay Spain.

Nuxurka:

  • Rodri ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ka ciyaara difaaca khadka dhexe ee ku guuleysta Ballon d’Or .
  • Xiddigan ayaa kooxdiisa Manchester City iyo qarankiisa Spain ka caawiyay ku guuleysiga Premier League iyo Euro 2024.
  • Waxa uu ku garaacay ciyaariyahanada Real ee kala ah Vinicius Junior, Jude Bellingham, Carvajal iyo Kylian Mbappe.

Rodri Hernández ayaa loo doortay ku guuleystaha abaal marinta Ballon d’Or 2024, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ka ciyaara booska difaaca khadka dhexe ee gacanta ku dhiga abaal marinta ugu qaalisan ee la siiyo ciyaariyahanka ugu wanaagsan sanadka.

Xiddiga Manchester City ayaa markii afaraad oo xiriira kula guuleystay kooxdiisa horyaalka Premier League bishii May, isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed loo wada riyaaqay xilli ciyaareedkii 2022/23.

Waxa uu sidoo kale ka caawiyay qarankiisa Spain ku guuleysiga koobkii qaaradda Yurub ee 2024.

Dhammaan warbaahinta ciyaaraha waxay saadaalineysay in abaalmarinta la siin doono Vinicius Junior oo kooxdiisa Real Madrid kula guuleystay horyaalka La Liga iyo Champions League balse shalay waxaa mar dambe si lama filaan ah usoo baxay in Rodri yahay guuleysataha taas oo keentay in kooxda Real ay qaadacdo ka qaybgalka xafladda Ballon d’Or.

Rodri waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Isbaanish ah ee guuleysta abaalmarinta Ballon d’Or kadib Luis Suarez oo la siiyay sannadkii 1960kii.

Rodri waxa uu 50 kulan u saftay kooxdiisa City xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay sagaal gool caawiyayna 14 kale. Intaas waxaa u dheeraa qaab maamulka qadka dhexe iyo difaaciisa cajiibka ah ee uu soo bandhigay.

Abaalmarinada kale ee la bixiyay ayaa loogu kala guuleystay sida soo scoota;

Tababaraha sanadka ee ragga: Carlo Ancelotti

Kooxda ugu wanaagsan Sanadka: Real Madrid

Gerd Muller Trophy: Harry Kane iyo Kylian Mbappe (labaduba waxay dhaliyeen 52 gool).

Kopa Trophy: Lamine Yamal

Emi Martínez ayaa loo caleemo saaray goolhayaha ugu fiican adduunka sanadkii labaad oo xiriir ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here