Nairobi (Dawan)- Warbixin ay daabacday warbaahinta *The Nation* ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay khasaare dhaqaale oo ballaaran kala kulantay xirnaanshaha xuduudka ay Mandheera ee ay la wadaagto Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo sahashay in badeecado aan canshurnayn si sharci darro ah uga soo galaan xuduudaha.
Xirnaanshahan ayaa si weyn saameyn ugu yeeshay dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ee gobolka, iyadoo badeecooyin badan oo muhiim ah si sharci darro ah loogu kala gooshiyo xuduudka iyada oo aan canshuur laga qaadin.
Inkastoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in dib loogu furo xuduudka Kenya iyo Soomaaliya oo xirnaa in ka badan 16 sano, ayaa haddana badeecadaha sida sonkorta, bariiska, caanaha, burka , iyo baastada laga soo gelinayaa gudaha Mandheera iyada oo aan la marin xafiisyada canshuuraha.
Xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ee Border Point 1, oo si rasmi ah loogu qalabeeyay dhammaan kaabayaasha ganacsiga xuduudaha, ayaa xirnaa tan iyo wixii ka dambeeyay maamulkii Madaxweynihii hore Mwai Kibaki, sababo la xiriira arrimaha amniga iyo howlgallada ciidamada Kenya ee Soomaaliya ee billowday 2011.
Mas’uuliyiinta degmada Mandheera ayaa walaac ka muujiyay xirnaanshaha xuduudka, iyaga oo sheegay in arrintani ay horseedday kobcinta ganacsiga sharci darrada ah oo aanay dowladdu wax maamul ah ku lahayn, taasoo keentay khasaare weyn oo dakhli ah.
Aadan Xaamud, madaxa ganacsiga ee Mandheera, ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta u ololeynaya dib u furista xuduudka, isaga oo aaminsan in haddii ganacsiga xuduudaha si rasmi ah loo furo uu faa’iido u noqon karo dowladda iyo bulshada Mandheera, iyada oo lagu kordhinayo dakhliga.
Waxaa intaa dheer, kormeer la’aanta ka jirta xuduudka Kenya iyo Itoobiya ee dhinaca Wabiga Dawa ayaa fududeysay in badeecooyinka laga kala gudbiyo iyada oo aan la marin kastamka rasmiga ah. Ganacsatada ayaa isticmaala doomo si ay badeecadaha ugu gudbiyaan iyada oo aan loo marin hannaanka dowladda , taasoo sababtay in badeecooyin fara badan ay ku kala wareegaan labada dal iyada oo aan wax canshuur ah laga qaadin.
Haddii xuduudaha la furo oo ganacsiga lagu maamulo nidaam sharci ah, waxaa loo arkaa fursad weyn oo Kenya ay dib ugu soo ceshan karto dakhliga lumay isla markaana hagaajin karto xiriiirka ganacsi ee ay la leedahay dalalka deriska la ah.
Si kastaba ha ahaatee, welwelka ku saabsan arrimaha amniga, gaar ahaan joogitaanka Al Shabaab, ayaa ah caqabad sii hortaagan furitaanka rasmiga ah ee xuduudka balse waxaa iyadana welwel kala ah luminta dhaqaala baaxad leh oo ay ku lumiso dowladda Kenya Xadka ay Itoobiya la wadaagto maada uusan lahayn nidaam sharciyeysan oo badeecadaha Canshuura.