Muqdisho (Dawan)- Tillaabada ay hadda dowladda Turkigu ku dooneyso inay ku baarto shidaalka, ma ahan sahmintii iyo heshiisyadii ugu horeyay ee laga sameeyo aagaga shidaalka Soomaaliya. Waxaa jira dhowr heshiis oo ay horay u galeen dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray, waxaana halkaan kuugu soo gudbinaynaa heerarkii uu soo maray sahminta shidaalka Soomaaliya.
1948-kii Sahamintii shidaalka iyo heshiisyadii la galay
Sahanka shidaalku wuxuu billowday 1948-kii markii shirkadaha Sinchair Oil, connoco iyo Agin ay heleen siddeed goobood oo batrool oo ku kala yaalay deegaano ka tirsan Majeertiniya, Mudug; Muqdisho; Ceel-Waaq, Mandheera; Ogaden; iyo Kismaayo.
Baaritaankii batroolka ee ku xigay ayaa la sameeyay 1950-yadii iyada oo la rumeysnaa in dalku noqon karo mid ka mid ah dalalka ugu soo saarka badan shidaalka.
Xiligii dowladihii rayidka iyo militariga (1960-1990)
Dowladii rayidka iyo tii ka dambeysay ee militariga aheyd, shirkado shidaal oo caalami ah oo ay ka mid yihiin ExxonMobil, ConocoPhillips, BP, Shell, Chevron, iyo ENI oo dhamaantood lala galay heshiisyo, Kaliya Royal Dutch iyo ExxonMobil ayaa ku haray saami-qaybsiga 60,000 km2 ee xeebaha Soomaaliya. Shell iyo ExxonMobil waxay bixin jireen lacag ijaar ah.
Intii lagu guda jiray sanadahaas waxaa sii socday tijaabadii lagu sameynayay ceelalka shidaalka. U ekaanshaha Soomaaliya juquraafi ahaan ee dalka Yemen ayaa si xoogan u muujinayay in dhulka soomaaliya uu ku jiro shidaal badan oo loo adeegsan karo ganacsi
Shidaalkii laga helay xeebaha Bariga Afrika sida Mozambique, Tanzania iyo Kenya, ayaa sii kordhisay xiisaha loo qabo xeebaha Soomaaliya, maadaama uu waddanku leeyahay xeebta ugu dheer ee Bariga Afrika.
Intii lagu jiray 1980-meeyadii, shirkado dhowr ah ayaa batrool ka helay xeebaha Soomaaliya waxayna bilaabeen barnaamijyo sahamin ah .
Sannadihii 1980-aadkii, Bankiga ka Adduunka ayaa billaabay inuu maalgeliyo “Mashruuci Horumarinta Batroolka”
Burburkii dowladda iyo hakadkii ku yimid howlaha shidaalka
ka dib burburkii dowladii militariga ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre waxaa gabi ahaanba hakad toos ah ku yimid sahmintii iyo rajadii laga qabay in Soomaaliya ay soo saarto shidaal. Shirkadihii ku howlanaa howlihii sahminta shidaalka waxay iskaga carareen dalka iyaga oo hakad galiyay fulinta heshiisyadii lala galay.
Dib u billaabidii howlaha shidaalka (2008 )
Wixii ka horeeyay 2008dii, hawlaha batroolka iyo heshiisyada la xiriira waxaa bixin jirtay dowladda dhexe. Hannaankaas waxa uu soo idlaaday 7-dii Agoosto 2008, markii baarlamaanku anxisixiyay sharcigii batroolka, isla markaana uu u saxiixay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Sharciga Batroolka ayaa qeexayay in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ay tahay ilaaliyaha kheyraadka batroolka, isla markaana howl kasta oo shidaal iyo qandaraasyo lagu maamulayo hab lagu wadaagayo qaabka wax soo saarka ah. 2012, Soomaaliya waxay hirgelisay nidaamka federaalka, waxayna dejisay qaab-dhismeedka sharciyeed si ay heshiisyo shidaal baaris iyo wax-soo-saar ah ula saxiixato shirkado shidaal oo caalami ah, iyada oo dowladda federaalka, dowlad goboleedyado iyo gobolka Banaadir wadaagayaan dakhliga
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sanadkii 2019 ansixiyay shirciga shidaalka, taas qeyb ka aheyd dib u yagleelkii rajada shidaalka Soomaaliya, isla sanadkaan Shel iyo Exxon ayaa isku raacay in mar kale dib loo bilaabo sahminta shidaalka Soomaaliya, sanadkii xigay waxa ay bixiyeen lacag dhan 1.7 milyan oo doolaar, taasoo markii ugu horreysay loo qaybsaday si waafaqsan heshiiska wadaagga dakhliga.
Heshiisyo iyo isku dayo kale oo ay sameysay dowladii uu hogaaminay Madaxweyne Farmaajo ma dhaqan galin. Bilowgii sanadkaan dowladda Soomaaliya ayaa heshiis ku saabsan sahminta shidaal iyo horumarinta kheyraadka dabiiciga ah la gashay Turkiga, waxaana hadda xeebaha Soomaaliya ku sugan markabka baarista shidaalka ee Oruç Reis.
Faahfaahinta heshiiskan weli lalama wadaagin dadwaynaha, waxaana jira su’aalo badan oo ku xeran heshiiska iyo hirgelintiisa.
Dabcan sahminta shidaalka waxaa ku xigi doona in lasoo saaro, sidee Soomaalida ugu faa’ideysan doontaa? Habka saamiqeybsigana sidee ayuu noqon doonaa? Dhawaan Kala soco Dawan TV.