Saturday, November 23, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray Xarunta Daryeelka Dhaawacyada iyo Xaaladaha Deg-degga ah oo markiiba qaabili karta 200 oo bukaan. Waa xaruntii ugu weyneed ee nuuceeda ah ee dalka laga hirgaliyo, sida ay dowladdu sheegtay.

Hargeysa

Gudiga Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka Somaliland ayaa ka joojiyay Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye inay habeenkii sameeyaan isu-soo-baxyada la xiriira ololahooda doorashada.

Jigjiga

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar iyo Maareeyaha Wakaaladda Tareennada Itoobiya ayaa kawada hadlay qaabkii si wada jir ah looga shaqayn lahaa ilaalinta iyo badqabka dhabaha tareenka Diridhabe iyo Jabuuti iyadoo kor loo qaadayo shaqo-abuurka bulshada ku teedsan goobaha uu tareenku ka maro Deegaanka Soomaalida.

Kenya

Ururka ay ku mideysan yihiin barayaasha jaamacadaha Kenya ayaa bilaabay shaqo joojin, iyaga oo ka cabanaya in dowladdu fulin waysay ballanqaadkeedi ahaa in loo kordhiyo mushaaraadka.

Turkiga

Turkiga waxaa maanta looga dabaal degaya xuska sanadguuradii 101-aad ee ka soo wareegatay markii dhidibada loo taagay nidaamka jamhuuriga ee dalkaas. Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda ayaa booqan doona Anitkabir oo ah hoyga uu ku aasan yahay aasaasihii jamhuuriyadda Mustafa Kemal Ataturk.

Georgia

Xiisadda ka taagan Georgia ayaa sare u kacday kadib markii mucaaradku diiday natiijada doorashadii baarlamaanka ee dalkaas, taasoo xisbiga talada haya uu ku guuleystay 54% codadkii la dhiibtay.

UN

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeelan doona dooddiisa saddex biloodlaha ah, iyada oo looga hadli doono xaaladda Bariga Dhexe gaar ahaan duullaanka Israel ee Falastiin.

Lubnaan

Ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in Naciim Qaasim uu noqonayo hoggaamiyaha cusub ee kooxda isaga oo beddelaya Xasan Nasrallaah oo bishii hore ay Israel ku dishay duqeyn ay ka gaysatay magaalada Beirut.

Falastiin

Israel ayaa meelmarisay xeer lagu mamnuucayo howlaha Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga Falastiin . Waa tillaabo kale oo loo arko inay Israel ku dooneyso inay ku ciqaabto shacabka Falastiin, iyada oo iska indha tireysa xeerarka caalamiga ah.

Guinea

Xukuumadda kumeel gaarka ah ee dalka Guinea ayaa kala dirtay toboneeyo xisbiyo siyaasadeed ah, iyada oo uu jiro khilaaf la xiriira xilliga la qabanayo doorashada.

Cameroon

Ku-xigeenka duqa magaalo ku taal woqooyiga Cameroon ayaa la dilay ka dib markii ay afduubteen kooxo hubaysan, sida laga soo xigtay idaacadda dowladda ee CRTV.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here