Muqdisho (Dawan)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Dileita Maxamed Dileita ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur, xildhibaano iyo dadwayne kale.
Dileita waxa uu casuumaad ka helay dhiggiisa Soomaaliya, wuxuuna kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita oo gudaha garoonka warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay imaanshihiisa Soomaaliya isaga iyo wafdigiisa, isaga oo sheegay inuu joogo dalkiisa labaad.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa dhankiisa sheegay in labada dhinac ay kawada hadli doonaan maalmaha soo socota dardargelinta iskaashiga baarlamaanadda labada wadan.