Wednesday, October 30, 2024

Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ku heshiiyay maalgashiga Kalluumeysiga

Abu Dubai (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgard ah oo la xiriira maalgashiga Kalluumeysiga iyo hormarinta dekadaha dalka.

Dhanka Soomaaliya waxaa heshiiska u saxiixay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga halka Imaaraadka ay u saxiixday shirkadda Dekadaha ee Abu Dhabi PORTS Group.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Soomaaliya ayaa lagu yiri; “Heshiiskani waxa uu diiradda saari doonaa iskaashi wax ku ool ah oo dhinaca Kalluumeysiga ah, horumarinta dekedaha kalluumeysiga, warshadaha, in la aas-aaso xarumo iyo saldhigyo kormeerka badda ah, in la xoojiyo kaabayaasha Dhaqaalaha Kalluumeysiga, in la hirgaliyo dekedo Kalluumeysi oo wadaag ah, iyo in la abuuro dugsiga tababarka xirfadaha iyo farsamada Kalluumeysiga”

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Axmed Xasan Aadam, ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshe lagu hormarinayo kaabyaasha dekedaha iyo kalluumaysiga si kor loogu qaado fursadaha loogu talagalay bulshada ku tiirsan wax soo saarka kalluunka.

Wasiirka ayaa yiri; “Anagoo sii wadnayna xiriirka istiraatijiyadeed ee horumarineed ee aan la leenahay Imaaraadka Carabta, waxaan maanta heshiis is-afgarad ah la saxiixannay Shirkadda Dekeddaha Abu Dhabi si aan isaga kaashanno horumarinta waaxda kalluumeysiga “

Dhankiisa, Maxamed Jumca Al Shamisi, Maareeyaha Guud ee shirkadda Dekedaha ee Abu Dhabi, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka taageeraan hormarinta dhaqaalaha iyada oo laga faa’iideysanayo fursada jira ee dhanka maalgashiga dekedaha iyo qaybta kalluumeysiga.

Heshiiskan ayaa imaanaya iyada oo Golaha Wasiirada ee Soomaaliya uu meelmariyay bishii July ee lasoo dhaafay heshiis nuucaan oo kale ah.

Dawan TV uma suurta gelin inuu helo faahfaahinta heshiiska, dhanka Imaaraadkana kama soo bixin war la xiriira heshiiska cusub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here