Wednesday, October 30, 2024

Maxkamadda Gaalkacyo oo xukun kasoo saartay kiis la xiriira Khamri

Gaalkacyo (Dawan)- Maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo saartay xukun la xiriira kiis ku saabsan 796 dhalo oo khamri ah iyo gaarigii lagu siday, kadib markii ciidamada booliska Mudug ay gacanta ku dhigeen. Xukunka maxkamadda ayaa faray in khamriga la burburiyo, halka gaarigii lagu qabtayna loo xukumay maamulka Puntland.

Goobta burburinta waxaa ku sugnaa garsooraha maxkamadda, xeer-ilaaliyaha, taliyaha saldhigga bartamaha Gaalkacyo, iyo saraakiil kale oo boolis ah oo la socday fulinta xukunka. Booliska Mudug ayaa sheegay in ay ku daba jiraan laba eedeysane oo baxsad ah kuwaas oo la sheegay inay wadeen gaariga xilliga la qabtay.

Taliyaha hawlgelinta booliska gobolka Mudug ayaa uga mahadceliyey bulshada gobolka wargelintii ay soo siiyeen ciidamada taasoo horseedday in kiiskan la soo qabto, wuxuuna sheegay in boolisku sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah maandooriyeyaasha iyo falalka sharci-darrada ah, iyagoo adkeynaya isku-xirnaanta bulshada iyo booliska.

Maxkamadda Gaalkacyo ayaa hore dhowr jeer oo hore u fulisay xukuno la xiriira maandooriyeyaasha, taasoo ay ku muujineysa dedaalka gobolka ee la dagaallanka falalka sharci-darrada ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here