Thursday, October 31, 2024

Khudbadda Xasan maka jawaabtay dhaliilaha laga qabo siyaasadda dowladda?

Muqdisho (Dawan)- Dib u milicsiga arrimihii u qabsoomay dowladda labdii sano ee lasoo dhaafay, ayuu khudbaddiisa ku fufurtay madaxweyne Xasan Sheekh kulan casho sharaf ah oo xubnaha Baarlamaanka uu ugu sameeyay  Aqalka madaxtooyada.

Dayn cafintii, ku biirsiiti bulshada bariga afrika, cunaqabateyntii  hubka ee la qaaday iyo ku guuleysigii kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka, waa qodobada ugu waawayn ee aan ka marnayn khudbadaha madaxada.

Wada-hadal ay shuruucd la socoto

Khilaafki siyasaadeed ee ay Puntland kula jirtay Muqdisho waxay hadda u heshay wehel kadib markii Jubland ay ka baxday shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho.

Weli way ku adagtahay in xubnaha kusoo haray Golaha ay soo saaraan  go’aano masiiri ah iyada oo ay ka maqanyihiin labadaas dowlad goboleed.

Xasan oo qirsan khilaafkaas waxa uu shaaciyay inuu diyaar u yahay wada-hadal lagu  xallinayo arrimaha la isku diidanyahay  laakin waxa uu shuruud uga dhigay  inuu noqdo mid mara dhal ah  ee aan ahayn sida uu hadalka u dhigay mid ay ku jirto “ han yari”.

In xarumahooda loogu tago ama la sameeyo wax kasta sidii ay u imaan lahaayeen Muqdisho ayuu ka ballan qaaday xubnaha Baarlamaanka.

Ka falceinta dhallacaynta loo jeediyo madaxda dowladda

Madaxweynuhu waxa uu soo hadal qaaday arrimaha  lagu dhalilo madaxda dowladda gaar ahaan xilliga la joogo golyaasha baarlamaanka. Arrintaas waxay u muuqatay arrin taabatay oo saamayn ku leh qorshaha siyaasadda dowladda iyo dadka. Waxa uu uga baxay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah “ Dhagax meel dhow buu ku dhacaa,hadalna meel dheer Iyo xadiiska nabiga ee micnihiisu yahay  “ wanaag ku hadal ama iska aamus”

Mushaar kordhinta ciidamada

“Suus meel uu yaallo, ayuu ka beegmaa” waxay ahayd jawaab ku socotay qaar ka mid ah xildhibaanada ololaha ugu jiray in ciidanka loo kordhiyo mushaarka. Si kale haddii loo dhigo, waa in dowladdu aysan awood u lahayn mushaar kordhin ciidan, xilligaan la joogo.

Codsiga daahsoon ee madaxwaynaha

Waxa uu sheegay in codsi rasmi ah uu  la hor imaan doono maalmaha soo socda Golaha Baalmaanka. Ma carrabaabin waxa uu codsigaas yahay balse waxaa jira warar sheega in madaxweynuhu doonayo in aan la xiran fadhiyada baarlamaanka inta laga ansixinayo arrimaha doorashooyiinka iyo heshiisyada kasoo bixi doona Golaha Wadatashiga Qaran ee ay ka maqanyihiin Jubaland iyo Puntland.

Codisgaas  waxa uu ku tilmaamay  inuu yahay midkii ugu mihiimsanaa hannaaka dowladnimada “Wax waaweyn ayaan soo wadaa, hadii Alle yiraahdo” ayuu yiri, isaga oo ay ka muuqato dhoolacadeyntiisi uu caanka ku ahaa

Qodobkan ayaa loo arkaa inuu ahaa ujeedka casha sharafka loo sameeyay xildhibaanada, wuxuuna cabbir u ahaa sida ay uga falceliyaan.

Dadka waxaa metela Baarlamaanka

Xasan waxa uu tilmaamay in Baarlamaanku yahay hay’adda ay Soomaalidu ku dhantahay, arrintaas oo u muuqatay mid jawaab u ah doodda ay qabaan saamilayda siyaasadda ee ah in si wadar ogol ah loo wajaho arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Dhan kale, marka la eego waa hadal laga fahmi karo inaan loo joojin doonin cid maqan iyo cidda diidan qorshaha Villa Somalia, sida ay qabaan qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here