Sunday, November 24, 2024

2 sano kadib madaxweynuhu wuxuu helay buugii doorashada m/w Farmaajo

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray, Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya. Dr Cabdinuur Sheekh Maxamed

Waxaa beryahaan soo xoogeeysanaaya rabitaanka doorasho khasab ah oo qof iyo cod ah oo markaad dusha ka fiiriso wax dalka u wanaagsan ah, markaad sii dhabagashana u muuqdo muddo kororsi iyo xukun boob aan loo meel dayin.

Saddex habeen kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh la doortay ayuu casha sharaf noo sameeyey anagoo ah kooxdiisii berigaas garbahiisa ahayd oo la dhihi jiray Midowga Musharaxiinta. Waxaa xusid mudan oo inta meesha joogtay ay markhaati ka yihiin in Madaxweynuhu habeenkaa nagu yiri; “ Niman yahow Soomaali been bay isu sheegeeysaa oo dalkaan doorasho qof iyo cod ah kama dhici karto! Oo Waxaan nasiib leenahay haddii aan doorashada ka soo rarno xalane oo aan hotel jazeera keenno “.

Waxaan isleeyahay Madaxweyne Xasan berigaas ayuu runta u dhowaa oo uu fahamsanaa xaaladda adag oo uu dalku ku jiray iyo inta ay na bidday xukuumaddii uu xilka kala wareegay.

Laba sano iyo bar kadib madaxweynuhu wuxuu helay buugii doorashada Madaxweyne Farmaajo oo uu rabaa in uu bal isaga isku dayo in uu meel marsiiyo. Waxaa xaqiiqo ah in muddo kororsi iyo dastuur ka leexasho ay dalka u horseedayaan buuq siyaasadeed iyo faragelin shisheeye.

Madaxweyne doorasho qof iyo cod ah waqtiga hadda la joogo macquul ma aha adigana horaa noogu sheegtay oo waad ogtahay.

Madaxweyne, laba fursadood keliya ayaa noo furan oo u baahan in aad dadaal u gasho si dalkaan oo culaysyada badan ku furan yihiin uu hore u socdo:

1. In Xalane dib loogu laabto oo doorasho dadban ka dhacdo halkaas sida caadada ahayd, ama

2. In aad doorashada dadban u soo rarto magaalada Muqdisho oo meel ka mid ah ka dhacdo. Talaabadaan haddii aad ku dhaqaaqdo waxay kuu geli doontaa bogga wanaagsan ee taariikhda dalka. Wixii intaa dhaafsiisan waa ila meereyso iyo khilaaf hor leh oo siyaasadeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here