Sunday, November 24, 2024

Jabuut iyo Masar oo kawada hadlay xiisadaha Geeska Afrika iyo Badda Cas

Riyaad (Dawan)- Wasiirradda arrimaha dibadda ee dowladaha Masar iyo Jabuuti, Badar Cabdicaadi iyo Maxamuud Cali Yuusuf ayaa kawada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo madaxbannaanida dhamamaan dowladaha gobolka.

Labada wasiir ayaa isku afgartay in la sii xoojiyo, lana sii qoto dheereeyo xiriirka iskaashi ee ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha bulshada.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar, ayaa carrabka ku adkeeyay sida uu dalkiisu u doonayo in la xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah iyada oo lasii ballaarinayo dhinacyada ay iska kaashaadan labada dal.

 Madaxweynayaasha labada dal ayaa dhamaadkii October sidaan oo kale kawada xaajooday sidii loo xaqiijin lahaa xasiloonida gobolka iyo baqadka marinada badda. Xasillonida gobolka ayaa walaac badan laga muujinaya kadib dhaqdhaqaayadii ugu dambeeyay ee la xiriira khilaafaadka soo kala dhax galay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dagaalka ka socda Bariga Dhexe ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay xasiloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Kulankan ayaa yimid, iyada oo ay Wasiirradu magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga u joogaan kulanka hordhaca u ah shir-madaxdeedaka wadamada Carabta iyo Islaamka ee berri looga hadli doono dagaalka ay Israel ka waddo Falastiin in ka badan sanad ee hadana kusii fiday dalka Lubnaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here