Saturday, November 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

 Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharciga lagu dhisayo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo Soohdimaha, iyada oo ay ogolaadeen xildhibaanno gaaraya 173 mana jirin xldhibaan diiday ama ka aamusay sida uu sheegay guddoonka Baarlamaanka.

Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto ku soo saaray laba maalmood oo baroor diiq ah kadib geeridii ku timid madaxweynihii afaraad ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Mareykanka / Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu caasimadda dalka Peru ee Lima kula kulmo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping , iyada oo ay labada hoggaamiye ka qaybgelayaan shirka iskaashiga dhaqaalaha ee Aasiya Pacific-ga (APEC).

Zimbabwe

Shir madaxeed aan caadi ahayn ayay dalalka Koonfurta Afrika uga socda Zimbabwe si xal loogu helo doorashada lagu muransan yahay ee Mozambique, oo ay ka dhasheen dibadbaxyo rabshado wata. Ku dhawaad ​​50 qof ayaa ku dhintay isku dhacyo dhexmaray dibad baxayaasha iyo booliiska.

Gabon

Gabon ayaa afti dadwayne u qaadeysa dastuurka dalkaas iyada oo meesha ka saaraya jagada ra’iisul wasaaraha, sidoo kalena muddada madaxweynaha ka dhigeysa 7 sano oo la kordhin karo hal mar.

Turkiga

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa ka hortimid qorshaha uu Midowga Yurub ku doonayo inuu howlgal cilmi baaris uga sameeyo badda u dhaxaysa Turkiga iyo Giriiga.

Ruushka

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka, ayaa Sabtidii ku dhawaaqday inay 24-kii saac ee la soo dhaafay la wareegtay laba magaalo oo ka tirsan gobolka Donetsk ee bariga Ukraine.

Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in 3 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka lagu dilay, 4 kalena uu dhaawac soo gaaray kadib duqeyn ay ciidamada Israel ka fuliyeen Koonfurta dalkaas.

Falastiin

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa maanta la wadaagtay warbaahinta in tirada dadkii ku dhintay tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza ay gaartay 43,799 oo qof. Waxaa dhaawac soo gaaray 103,601 qof oo u badan haween iyo carruur.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here