Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray barnaamij tababar ah oo socday muddo laba toddobaad ah (2-14 Nofeembar 2024), looguna talagalay in lagu kobciyo xirfadaha iyo waaya-aragnimada safiirrada cusub ee dhawaan la magacaabay. Barnaamijkan waxaa lagu qabtay machadka Diblomaasiyadda iyo Tababarka ee wasaaradda.
Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyey dadaalka hoggaanka machadka iyo ka qaybgalayaasha tababarka, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in safiirrada cusub ay kaalin weyn ka qaataan sidii ay Soomaaliya ugu meteli lahaayeen si sharaf leh loona adkeeyo xiriirka ay la leedahay caalamka , xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo xaalado adag iyo khilaafaad siyaasadeed, sida xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wasiirku wuxuu hoosta ka xarriiqay guulaha Soomaaliya ay ka gaartay dib-u-soo-noqoshada diblomaasiyadeed, oo ay ka mid tahay tirada safiirrada ee loo diray daafaha dunida iyo kuwa caalamka ee imaanaya Muqdisho, taas oo muujinaysa dib-u-hanashada karaamada iyo awoodda lagu ballaarinayo saameynta Soomaaliya ee adduunka.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa farriin adag u diray diblomaasiyiinta caalamka ee ku sugan Muqdisho, kuwaas oo booqday magaalada Hargeysa si ay ula socdaan doorashadii halkaas ka dhacday, kadibna qariyey sida uu tilmaamay wasiirku inay dalakooda wakiil uga yihiin Soomaaliya ama Somaliland ku tilmaamay inay tahay dal. Wasiirku wuxuu sheegay in falalka noocaas ah aan la aqbali karin, maadaama ay khilaafsan yihiin mabaadi’da iyo siyaasadda midnimada Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa xaqiijiyey in safiirka Denmark loo wacay si wax looga waydiiyo arrimahaas, iyadoo la doonayo inuu caddeeyo mowqifka dowladdiisa ee ku aaddan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Gebagebadii, waxaa munaasabadda lagu guddoonsiiyey shahaadooyin ka qaybgalayaasha tababarka, iyada oo lagu dhiirrigeliyey inay doorkooda u gutaan si waxtar leh oo ay mas’uuliyadi ku jirto.