Muqdisho (Dawan)- Hadaan guga kuu kordhaa, Gaboow mooyee kutarin, Garaad iyo waayo arag, Ileen wax ma dhaantit geed. Waa erayada uu ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre u doortay inuu farriin ahaan ugu diro madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxmed Islaam.
Erayada waxaa xuquuq ahaan u leh, Ilaah ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) balse waxay maanta Xamsa ugu muuqdeen kuwa soo koobaya hadal waqti dheer ka qaadan lahaa.
Khilaafka siyaasadeed ee ka dhax jira Jubaland iyo dowladda federaalka ayaa gaaray meel lagu tilmaami karo heerki ugu sarreeyay, waxaana billowday in la is dhaafsado hanjabaado iyo hadallo kulul oo saamayn ku yeelan kara rajo kasta oo laga qabay in dib loo heshiiyo.
Waxay u muuqataa in isku day kasta oo la isagu soo dhawaan lahaa uu soo dhamaaday.
Xaamsa waxa uu si cad u sheegay in hannaanka doorashooyiinka ee Jubaland uu yahay mid sharci darro ah oo natiijadii kasoo baxda aan la aqbali doonin. Waa farriin kale oo mugdi gelineysa xiriirka mustaqablka ee labada dhinac. Haddii fasiraad laga bixiyo waa inay dowladda federaalku aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda doorasahda Jubaland. Waxa uu soo xigtay maahmaada Soomaaliyeed ee ah ” Hal buuli ah, ma dhasho nirig xalaal ah”
Sidoo kale, waxa uu duray sharciyada Axmed Midoobe u siineysa inuu markale qabto hoggaanka Jubaland, waxa uuna xasuussiyay saaxibkiis hore in dastuurku u ogolayn laba xilli ka badan. Intaas ugama harin ee wuxuu muujiyay in loo baahanyahay in isbedel ka dhaco Jubaland, wuxuuna tusaale ahaan usoo qaatay qoray isu dhiibka ka jira deegaanada kale ee Soomaalida oo Jubaland aan laga aqoonin. Si kale haddii loo dhigo Xamsa waxa uu afkiisa ka ilaaliyay inuu Madoobe ugu yeero kaligiis talis ama boqor aan xika lala wadaagin.
Sida ku cad jadwalka kasoo baxay dhawaan Guddiga doorashada, waxaa Jubaland ka go’an inaysan dheg jalaq u siinin farriimaha uga imaanaya Muqdisho, waxaana dib loo dooran doona Axmed Madoobe maadaama aysan jirin murashxiin ku cariirin karta tartanka sida looga bartay doorashoyiinkii horay uga dhici jiray Jubaland.
Khilaafka ka dhex jira labada dhinac wuxuu keeni karaa dhowr xaaladood oo adag, sida amni xumo soo wajahada deegaanada Jubaland oo markii horaba ay ka jireen awoodo kala duwan. Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa faragelinta shisheeye oo saamayn ku yeelan doonta xiriirka labada dhinac iyo hannaanka dib u heshiisiinta gudaha .