Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Hargeysa
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, murashaxa xisbiga Waddani, ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynaha Somaliland , isaga oo helay 407,908 cod oo u dhiganta 63.92 % codadkii la dhiibtay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha komiishanka doorashooyinka, Muuse Xasan Yuusuf.
Cirro wuxuu noqday madaxweynihii 6aad ee Somaliland tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isu tagga sanandkii 1991.
Muqdisho
Madaxda Soomaalida ee ugu horeeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta kale ee dalka ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.
Jabuuti
Madaxweynaha Jabuuti, Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya iyo qaar ka mid ah safaaradaha caalamaka ee Muqdisho oo ay ka mid tahay safaaradda Mareykanka ayaa dhamaal hambalyo ah u diray Cabdiraxmaan Cirro oo loo doortay madaxweynaha 6aad ee Somaliland.
Itoobiya
Saraakiil sarsare oo Mareykan ah ayaa la kulmay Wasiirka Difaaca Itoobiya, Caa’isha Maxamed iyagoo ka wada hadlay colaadaha gobollada Amxaarada iyo Oromia, iyo dadaallada lagu xoojinayo horumarinta nabadda.
Suudaan
Af-hayeen u hadlay kooxda hubeysan ee dagaalka kula jirta ciidamada dowladda Suudan ee loo yaqaano RSF ayaa sheegay in kooxdu diyaar u tahay inay ka qayb qaadato wadahadal dhab ah oo lagu raadinayo xal waara. Hadalkan ayaa imaanaya kadib markii cunaqabateyn lagu soo rogay saraakiil waawayn oo ka tirsan kooxda.
Yurub
Wasiirada difaaca ee Midowga Yurub ayaa ka shiraya amniga guud ee qaaradda iyo dagaalka Ruushka iyo Ukraine, iyada oo Wasiirka Difaaca Ukraine Rustem Umerov uu shirka uga qayb qaadanayo habka muuqaal araga.
Ingiriiska
Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ka doodaya xaaladda bini’aadantinimo ee dadka Falastiin oo wajahaya xaaladdii ugu xumeed kadib duullaanka Israel ee marinka Gaza
Turkey
Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Cevdet Yilmaz ayaa Ankara kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Lesotho, Samuel Ntsokoane Matekane. Yilmaz iyo Matekane ayaa shir jaraa’id si wadajir ah u qabtay kulankooda kadib.
UN
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan wadatashi ah ka yeelanaya dhaqangelinta qaraarka tirsigiisu yahay 1701, ee la ansixiyay 2006-dii kuna saabsanaa soo afjarida colaadda u dhaxeysa Xisbullaah iyo Israel.
Tanzania
Dadaalka goobidda iyo samatabbixinta dadkii ku waxyeelloobay dhismo ka koobnaa afar dabaq oo dumay ayaa ka socda caasimadda ganacsiga ee Tanzania ee Dar es Salaam. 16 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, waxaana lasoo badbaadiyay ilaa iyo hadda in ka badan 80 qof.
Botswana
Madaxweynaha cusub ee Botswana Duma Gideon Boko ayaa la filaya inuu jeediyo khudbaddiisi ugu horeysay ee qaranka laba toddobaad kadib doorashadiisa. Khudbaddan ayuu kusoo bandhigi doona yoolalka siyaasadeed ee maamulkiisa shanta sano ee soo socota.
Suudaan
Wasaaradda caafimaadka ee Suudaan ayaa ku dhawaaqday, in la diiwaangeliyay 328 xaaladood oo cusub oo cudurka daacuunka ah, taasoo tirada guud ee dadka uu haleelay cudurkan ka dhigaysa in ka badan 38,000. Tan iyo bishii August, waxaa cudurkan ugu dhintay dalkaas kun iyo todobaatan qof.