Kismaayo (Dawan)- Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xubnaha cusub ee Golaha Wakiilada Jubaland, kuwaas oo tiradoodu gaareyso 75 xildhibaan. Liiskan cusub ayaa qeyb ka ah diyaarinta hanaanka doorashooyinka ee maamulka Jubaland.
Xildhibaannadan ayaa soo dooran doona 25-ka bishaan November madaxweynaha cusub ee Jubaland, iyada oo loo badinayo in xilka uu sii xajisan doono madaxweyne Axmed Maxmed islaam.
Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamay in geeddi-socodka soo xulista xubnahan uu ahaa mid waafaqsan shuruucda iyo xeerarka u degsan maamulka Jubaland, iyada oo la tixgeliyay dheelitirka beelaha iyo matalaadda bulshada Jubaland.
Tillaabadan ayaa imaanaysa maalin kadib markii Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu baal maray dastuurka u degsan Jubaland, oo u ogolaanaya inuu xilka qabto kaliya laba jeer, isaga oo caddeeyay inaan la aqbali doonin natiijada kasoo baxda doorashada dadban ee qorsheysan inay ka dhacdo Kismaayo.
Halkaan hoose ka eeg liiska xildhibaannada oo dhamaystiran