Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa Axaddii, 24-ka bishaan Nofeembar 2024, si rasmi ah u daahfurtay Mashruuca Dhallinyarada ee Ganacsiga loogu dhiirrigelinayo si ay ula qabsadaan isbeddelka cimilada (PEJACC). Munaasabadda furitaanka oo lagu qabtay magaalada Jabuuti, waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Beeraha, Biyaha, Kalluumeysiga iyo Xoolaha, Mudane Maxamed Axmed Cawaaleh, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Mudane Ilyaas Muuse Dawaaleh, iyo wakiillo ka socday Bangiga Horumarinta Afrika , oo uu hoggaaminayey Pascal Sanginga.
Maalgelinta iyo Ujeeddooyinka Mashruuca
Mashruuca PEJACC ayaa ah mid ballaaran oo miisaaniyaddiisu gaareyso $57.4 milyan (oo u dhiganta 10.4 bilyan oo franc Jabuuti ah). Mashruucan waxaa maalgelinaya Bangiga Horumarinta Afrika, Sanduuqa Horumarinta Afrika (FAD), Xarunta Taageerada Kala-guurka (FAT), iyo Sanduuqa Waxqabadka Cimilada. Qayb ka mid ah dhaqaalaha mashruuca ayaa sidoo kale laga helay deyn ay bixisay FIDA.
Mashruucu waxa uu diiradda saarayaa dhiirrigelinta dhallinyarada iyo haweenka iyada oo loo marayo:
Abuurista 200 shirkadood oo yar iyo kuwo dhexdhexaad ah.
Shaqo-abuurinta 3,500 shaqo oo joogto ah iyo 2,300 shaqo oo ku-meelgaar ah, kuwaas oo 60% ay dhallinyaro yihiin halka 40% ay haweenka yihiin.
Horumarinta Wax-soo-saarka Beeraha
Mashruuca PEJACC ayaa sidoo kale xoojin doona sugidda cuntada, isaga oo yareynaya ku-tiirsanaanta dalka ee cunnada laga keeno dibadda ilaa 30%-40%. Wax-soo-saarka dalagyada muhiimka ah sida yaanyada, basbaaska, iyo baradhada ayaa la kordhin doonaa, tillaabadaas oo loo arko inay gacan ka geysan doonto yareynta saboolnimada iyo horumarinta dhaqaalaha gudaha.
Deegaannada Mashruuca laga hirgelinayo
Mashruuca waxa laga hirgelin doona gobollada Cali-Sabiix, Dikhil, Obock, Tadjourah, Carta, iyo agagaarka magaalooyinka waaweyn ee Jabuuti, waxa uuna hiisanaya inuu wax ka qabto nolosha 80,000 qof, oo u dhiganta 12,000 qoys, iyadoo guud ahaan ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 240,000 oo qof.
Tiirarka Waaweyn ee Mashruuca
Mashruucu waxa uu ku saleysan yahay saddex tiir oo muhiim ah:
- Xoojinta nidaamyada wax soo saarka beeraha iyo xoolaha si wax looga qabto caqabadaha isbeddelka cimilada.
- Taageerida horumarinta ganacsiga beeraha .
- Hubinta maaraynta iyo isku-duwidda hawlaha mashruuca si loo xaqiijiyo natiijooyin waara.
Saameynta Mashruuca
Mashruuca PEJACC waxa uu door muhiim ah ka qaadan doonaa yareynta shaqo la’aanta dhallinyarada iyo haweenka, isagoo sidoo kale lagu xoojinayo wax-soo-saarka gudaha iyo sugidda cuntada. Dowladda Jabuuti ayaa rumeysan in mashruucan uu gacan ka geysan doono horumarinta nolosha bulshada iyo la-qabsiga saameynta isbeddelka cimilada. Mashruuca ayaa loo arkaa mid wax ku ool ah oo horseedi kara horumar waara oo dhinacyo badan ah.