Paris (Dawan)- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar “Cali Balcad” oo booqasho rasmi ah ku jooga Faransiiska, ayaa kulan la qaatay Wasiiru-dowlaha dalkaas Thani Maxamed Soilihi, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, socdaalka, iyo horumarinta dhaqaalaha.
Kulanka ayaa si gaar ah loogu soo dhaweeyay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee caalamka, gaar ahaan ka dib markii loo doortay xubinnimada aan joogta ahayn ee ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Faransiiska ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya guushan, waxayna labada dhinac isla meel dhigeen inay si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo hawlgalka taageerada xasillinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Iskaashiga Dhaqaalaha
Horumarinta dhaqaalaha ayaa sidoo kale ahayd ajendaha muhiimka ah ee kulanka. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo soo noolayn lahaa maalgashiga Faransiiska ee kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan dhaqaalaha badda sida kalluumeysiga. Mas’uuliyiinta Faransiisku wuxuu muujiyeen sida ay u daneynayaan dib u furista safaaraddooda Muqdisho, taasoo loo arko tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Wax ka qabashada Tahriibka
Labada dhinac waxay isla qaateen muhiimadda la-dagaallanka tarhriibka iyadoo la isku raacay in la xoojiyo maareynta socdaalka sharci-darrada ah iyo in la taageero dadaallada caalamiga ah ee ka hortagga musibada tahriibka oo ay ugu dambeysay Soomaalidii dhawaan ku geeriyootay xeebaha Madagascar.