Boosaaso (Dawan)- Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay warshadda cusub ee soo saarta ogsijiinta ee magaalada Boosaaso. Mashruucan, oo lagu dhisay isku-tashi bulsho, ayaa ujeedkiisu yahay in lagu daboolo baahiyaha ogsijiinta ee isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee gobolka.
Warshadda cusub, oo ku kacday lacag dhan $91,000, ayaa sidoo kale loo iibiyay 400 haamood iyo agab kale oo muhiim ah, si loo taageero adeegyada caafimaad ee Puntland. Wasiirka Caafimaadka Puntland, Siciid Jaamac Qorsheel oo ka hadlay munaasabadda wareejinta, ayaa sheegay in warshaddan ay yareyn doonto ku tiirsanaanta ogsijiinta laga soo iibsado dibadda, taasoo fududeyn doonta in adeegyo caafimaad oo tayo leh loo heli karo bulshada.
“Warshaddan cusub waxay yareyn doontaa kharashka ku baxa soo iibsiga ogsijiinta dibadda, iyadoo sidoo kale sare u qaadeysa tayada adeegyada caafimaadka,” ayuu yiri wasiirka.
Mashruucan ayaa waxaa dhaqaale iyo taageero xooggan ku bixiyay bulshada Puntland, taasoo muujineysa sida ay ugu mideysan yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka. Gudoomiyaha Guddiga Warshadaha Puntland, Fu’aad Aflow ayaa tilmaamay in warshaddan cusub ay horseedi doonto isbeddel weyn oo ku aaddan adeegyada caafimaadka ee gobolka, iyadoo si gaar ah loo yareynayo baahida loo qabo ogsijiinta dibadda laga keeno.
Waxaa la filayaa in warshaddan ay waxtar muuqda ka geysan doonto isbitaallada Puntland, iyadoo sare u qaadeysa isku-filnaanshaha adeegyada caafimaad ee gudaha.