Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya oo warbixin hor leh kasoo saartay dadkii dhawaan ku dhintay xeebaha Madagascar ayaa shaaca ka qaaday in 47 muwaadiniin Soomaaliyeed ah lagu badbaadiyay xeebaha Madagascar, kaddib markii doonyihii ay saarnaayeen ku qalibmeen meel u dhow Jasiiradda Nosy Iranja 23-kii November, 2024. Dhacdadan ayaa sidoo kale sababtay geerida 28 qof, oo 23 ka mid ah lagu aasay meel ay dowladdu ku sheegtay ” Qabuuraha badda,” halka 5 kalena lagu aasay gudaha Madagascar.
Gurmadka iyo Kaalinta Kalluumeysatada
Kalluumeysatada ka ag dhow Nosy Iranja ayaa door muuqda ka ciyaaray samatabbixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed , kuwaas oo ka koobnaa 26 haween ah iyo 31 rag ah oo dhallinyaro ah. Dadka badbaaday ayaa loo qaaday Jasiiradda Nosy Be, halkaas oo ay ka heleen xarun lagu daryeelo, waxaana hadda socda dadaallo dib loogu soo celinayo si ay ula midoobaan qoysaskooda.
Dadaalka Dowladda Soomaaliya
Si loo xaqiijiyo daryeelka muwaadiniinta badbaaday, Dowladda Soomaaliya ayaa u dirtay wufuud heer sare ah Madagascar. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh la wadaagay ehelada dadka ku dhintay musiibadan, isagoo ballan-qaaday in dowladdu ay qaadayso tallaabooyin ka hortag ah si looga fogaado dhacdo noocan oo kale ah mustaqbalka.
“Masiibadani waa mid xusuusinaysa safarrada khatarta ah ee ay dad badani galaan si ay u helaan nolol ka wanaagsan. Waxaan uga mahadcelineynaa dadka Madagascar naxariista iyo geesinimada ay u muujiyeen badbaadinta muwaadiniinteenna, waxaana ka go’an inaan xaqiijinno inay si nabad ah ku soo laabtaan,” ayuu yiri wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cali Maxamed Cumar, oo warbixinta aqriyay
Tahriibka Soomaaliya ee waddada Liibiya
Dhacdadan ayaa qayb ka ah xaaladaha sii kordhaya ee muujinaya qatarta ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee raadinaya nolol ka wanaagsan tan ka jirta dalkooda. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale qorsheyneysa inay Khamiista soo celiso 109 dhallinyaro ah oo ku xiran dalka Liibiya, iyadoo ay jiraan muwaadiniin kale oo ku dhibban dalal kale sida Togo oo iyagana la doonayo in dib loo soo celiyo.
Masiibooyinka noocan ah ayaa mar kale muujinaya muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee lagu wajahayo sababaha asaasiga ah ee tahriibka, sida saboolnimada iyo ka ganacsiga dadka. Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday bulshada caalamka inay taageeraan hindisayaasha lagu xoojinayo wax ka qabashada socdaalka sharci darrada ah , laguna yaraynayo khataraha ay la kulmaan dadka ku nool xaaladaha nugul.