Sunday, December 22, 2024

Soomaaliya iyo Masar oo qorsheynaya heshiis maareynta biyaha ah

Riyaad (Dawan)- Haani Sewilam, Wasiirka Kheyraadka Biyaha iyo Waraabka ee Masar, ayaa shaaca ka qaaday in meel gabagbo ah uu marayo qorshaha ah in Masar iyo Soomaaliya kala saxiixdaan heshiis is-afgarad oo ku saabsan maaraynta kheyraadka biyaha iyo tababarada la xiriira dhisidda awoodaha. Heshiiskan, waxaa looga gol-leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca biyaha, iyadoo diiradda la saarayo faa’iido wadaagga iyo ka mira dhalinta danaha wadajirka ah ee labada dhinac.

Wasiirka Masar ayaa hadalkaan sheegay xilli uu dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame.

Qodobada Heshiiska:
Heshiiskan ayaa diiradda saari doona dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:

  1. Taageerada farsamada: In la fuliyo daraasado iyo baaritaanno dhuleed oo lagu qiyaasayo suurtagalka kheyraadka biyaha.
  2. Daraasadaha iyo naqshadaha: In la sameeyo daraasado hiyadrologi ah, qiyaasid dhuleed, iyo naqshadaynta kaabeyaasha waraabka.
  3. Horumarinta nidaamyada waraabka: Naqshadeynta, dayactirka, iyo hawlgelinta kaabeyaasha waraabka; nadiifinta iyo qodista kanaalada waraabka.
  4. La socoshada cimilada: Ka warqabka xaddiga roobka iyo saadaasha cimilada iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyad casri ah.
  5. Tababarka iyo dhisidda awoodaha: Kobcinta aqoonta iyo xirfadaha howlwadeenada Soomaaliya ee qaabilsan maaraynta kheyraadka biyaha, nidaamyada waraabka casriga ah, iyo la socoshada cimilada.

    Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Soomaaliya, ayaa dhiniciisa muujiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la xoojiyo iskaashiga dhinaca biyaha ee ay la leedahay Masar, isaga oo xusay in labada dal ay wajahaan caqabado wadajir ah oo la xiriira maaraynta biyaha iyo isbeddelka cimilada, taas oo u baahan iskaashi dhow. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda tababarka, dhisidda awoodaha, iyo dhinacyada kale ee loo baahan yahay in la sii xoojiyo.

    Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda iskaashiga dhinacyada biyaha iyagoo ku baaqay in la dardargeliyo hirgelinta heshiiska iyo mashaariicda waxtarka leh ee faa’iidada u ah bulshada labada dal.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here