Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Tahriibayaal Soomaaliyeed oo laga soo daabulayo Madagascar
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaarad gaar ah u dirtay Madagascar si loo soo daabulo tahriibayaal gaaraya 48 qof oo dhawaan ka badbaaday doomihi ay la socdeen oo ku qallibmay xeebaha dalkaas. 28 ruux ayaa naftooda ku waayay dhacdadaas kuwaas oo lagu aasay Madagascar.
Xisbiga Kulmiye oo yeeshay kulanki ugu horeeyay kadib guul darradii doorashada
Hoggaanka xisbiga Kulmiye ee looga guuleystay doorashadii Somaliland ayaa maanta kulan ka yeeshay mustaqbalka xisbiga iyo tallaabooyinka xiga ee uu qaadi doono.
Madaxweynaha xilka ka degaya, Muuse Biixi ayaa dardaan siiyay hoggaanka xisbiga, isaga oo kula taliyay inaysan noqon mucaarad wax dumiya.
Istaraatiijiyada maalgalinta horumarinta cududa shaqaalaha caafimaadka oo laga daahfuray Jigjiga
Qorshaha istaraatiijiyada maalgalinta horumarinta cududa shaqaalaha caafimaadka oo ah mid la dajiyay in lagu hawlgalo 2024-2030 ayaa lagu saleeyay adeega caafimaad ee bulshadu u baahan tahay xilliga lagu jiro.
Xal u raadinta dagaalka Suudaan
Dowladda Masar ayaa qorsheyneysa inay qabato shir labaad oo ay isugu imaanayaan dhinacyada siyaasadda iyo kuwa rayidka ee Suudaan si xal looga gaaro dagaalka ka socda Suudaan, ee billowday 15-kii Abril, 2023. Shirki koowaad ayaa dhacay bishii July ee lasoo dhaafay inkasta oo aan laga gaarin wax guul ah oo la taaban karo.
Ghana oo dooraneysa madaxweyne cusub
Muwaadiniinta Ghana ayaa subaxnimadii maanta bilaabay inay u dareeraan goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweyne cusub oo ka imaanaya musharraxiinta xisbiga New Patriotic Party iyo National Democratic Congress, kuwaas oo isku beddelayay awoodda dalka tan iyo 1992-kii.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo ka badbaaday xil ka qaadis
Baarlamaanka Kuuriyada Koonfureed ayaa ku guul darreystay inuu xilka ka qaado madaxweynaha dalkaas, Yeon Suk-yeol, kadib markii uu dalka geliyay xaalad militrei inkasta oo uu markii dambe ka laabtay kana bixiyay cudur daar.
Mooshinka laga keenay madaxweynaha ayaa heli waayay tiradii loo baahnaa ee ah saddex-meelood laba meel codadka tirada guud ee Baarlamaanka oo dhan 300 oo xildhibaan.
Caalamka oo indhaha ka dabooshay gumaadka ka dhanka ah shacabka Falastiin
Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa ku dhawaaqday, , in tirada guud ee ku dhimatay dagaalka Gaza ay gaartay 44,664 oo qof iyada oo dhaawacana lagu sheegay 105,976 oo ruux, tan bishii October, 2023.
Ilaa iyo hadda ma jirto tallaabo cad oo ay qaadeen dowladaha Carabta, Islaamka iyo hay’adaha caalamiga ah taas oo lagu joojinayo xasuuqa ay Israel ka geysanayso Gaza.
Xukuumadii Burkina Faso oo lagala diray
Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Burkina Faso, Ibrahim Traore ayaa shaqada ka ceyriyay Ra’iisul Wasaare Apollinaire Joachim iyo xukuumaddiisa, sida laga soo xigtay taleefishinka dowladda.
Africa oo Faransiiska cayrsaneysa
Boqolaal qof ayaa mudaaaharaad ka dhigay magaalooyiinka dalka Chad, iyagoo ku baaqaya in ciidamada Faransiiska laga saaro dalkaas. Tallaabadan ayaa imaaneysa todobaad ka dib markii lasoo afjaray heshiis milateri oo Chad kala dhexeeyay Faransiiska.
Natiijadii doorashada madaxtinimada Romania oo la baabi’iyay
Maxkamadda dastuuriga ah ee Romania ayaa baabi’isay natiijadii wareegii koowaad ee doorashada madaxtinimo ee dalkaas ka dib markii la sheegay in Ruushku ku sameeyay faragelin. Maxkmadda ayaa go’aamsay in lagu celiyo doorashada.