Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa si guul leh u soo badbaadisay shaqaale saarnaa markab lagu magacaabo MV/ISA STAR kaas oo ku jiray xaalad halis ah kaddib markii lagu soo weeraray xilli uu ku guda jiray socdaal dhinaca Badda Cas. Sida laga soo xigtay telefishinka dowladda Jabuuti ee RTD TV, markabkan oo uu ka babanayay calanka Panama ayaa la kulmay cilad farsamo oo sababsatay xaalad khatar gelisay nolosha shaqaalaha saarnaa.
Markabka ayaa codsi gargaar degdeg ah u diray maamulka marsooyinka Jabuuti, waxaana loo fidiyay gargaar degdeg ah iyada oo lagu guuleystay in la badbaadiyo 20 shaqaale, kuwaas oo 15 ka mid ah ay ahaayeen muwaadiniin kasoo jeeda dalka Hindiya.
Kabtan u hadlay markabka ayaa uga mahadceliyay dowladda Jabuuti gargaarka degdegga ah iyo kaalmada loo fidiyay, isagoo xusay in tallaabadas ay muhiim u ahayd badbaadinta nolosha shaqaalaha iyo in laga hortago khasaaro weyn oo markabka soo gaari lahaa.
Dowladda Jabuuti ayaa tallaabadan ku sheegtay mid ku saleysan ku dhaqanka xeerarka caalamiga ah ee gargaarka maraakiibta dhibaatooyinka ku soo wajahdo. Ficilkan ayaa sidoo kale muujiyay doorka muhiimka ah ee Jabuuti ay ka qaadanayso badbaadinta maraakiibta iyo ilaalinta amniga marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Badda Cas, oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.