Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa qabatay shir heer sare ah oo diiradda lagu saaray amniga guud . Shirkan oo uu guddoominayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, waxaa ka soo qeyb-galay taliyayaasha guud ee ciidamada qalabka sida iyo masuuliyiin kale oo sar-sare.
Shirka ayaa xoogga lagu saaray xaaladda nabadgelyada , gaar ahaan u diyaar garowga xil-wareejinta Madaxweynaha ee la filayo inay dhacdo 12-ka bishan. Waxaa sidoo kale si qoto dheer loogu falanqeeyay dhibaatooyinka dhanka amni ee jira iyo tallaabooyinka wax looga qaban karo.
Shirka waxaa laga soo saaray dhowr go’aan oo kala ah:
- Ka hortagga nabadgelyo darrada: Waxaa la go’aamiyay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado qof kasta oo ku kaca ficillo wax u dhimi kara nabadgelyada .
- La-dagaallanka hadallada kala qeybinya bulshada: Waxaa la isku raacay in tallaabo adag laga qaado dadka caytama iyo kuwa isku dira bulshada , kuwaas oo sababi kara colaad iyo xumaan.
- Xakamaynta saxaafadda: Warbaahinta ayaa lagu wargeliyay inay ka fogaadaan baahinta hadallada xanafta leh ee dhaawici kara wadajirka bulshada iyo qaranimada Somaliland.
- Mamnuucista kulmada qabaa’ilada: Wasaaraddu waxay mamnuucday kulamada ay qabsandaan qabaa’ilada ee ka dhaca hoteellada iyo meelaha kale ee dadku isugu yimaaddaan. Hoteellada lagu qabto shirar noocaas ah ayaa loogu goodiyay inay wajahi doonaan cawaaqib xumo.
- Xaaladda amniga Ceerigaabo: Waxaa la isla meel dhigay in la adkeeyo amniga magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, iyada oo ciidammada lagu amray inay feejignaadaan.
- Xoojinta xuduudaha iyo kaantaroollada: Ciidamada amniga ee xuduudaha iyo kaantaroollada ayaa sidoo kale la amray inay xoojiyaan xaqiijinta nabadgelyada guud ee Somaliland.