Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Tahriibayaal Soomaaliyeed oo laga soo celiyay Suudaan
Dhallinyaro Soomaali ah oo gaareysa 22 qof kuwaas oo tahriibayaal ah ayaa laga soo celiyay dalka Suudaan. Dhallinyradan oo ka kooban 17 wiil iyo 5 gabdhood ayaa ku xirnaa muddo seddex bilood ah xabsiyada Suudaan.
Banaanbax looga soo horjeedo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo caruurta oo ka dhacay Jigjiga
Banaanbaxan oo qayb ka ah xuska 16-ka maalmood ee loo asteeyay maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka xadgudubyada la gula kaco dumarka oo maalmihii u danbeyay ka socday magaalada Jigjiga ayay ujeedadiisu tahay sidii loo muujin lahaa in laga soo horjeedo tacadiyada lagula kaco dumarka iyo caruurta.
Xulka 15-jirada Soomaaliya oo ka qeybgalaya koobka iskuulada Afrika
Xulka Soomaaliya ee 15-jirada ayaa maanta u safray dalka Uganda si ay uga qeybgalaan isreeb-reebka Koobka Iskuulada Afrika (Qeybta Bariga & Bartamaha).
Tartankan, oo ay kula loolamayaan dalalka Uganda, Tanzania, Kenya, iyo Burundi, ayaa la ciyaari doonaa qaab horyaal ah, iyadoo dhamaan xulalka ka qeybgalaya ay is wada arki doonaan.
Koox hubeysan oo dil iyo afduub ka geystay Mandheera
Koox hubeysan ayaa weerar ka fulisay degmada Lafey ee ismaamulka Mandhera, halkaas oo ay ku dileen darawalkii Madaxa waaxda dembi baarista ee degmada, sida ay sheegtay warbaahinta ka howlgasha gobolka.
Dablaydu waxay sidoo kale afduubeen shaqaale ka howlgalayay kaalin shidaal, waxayna horay usii kaxeysteen gaari ay lahaayeen ciidamada booliska.
Suudaan oo bilaabaysa barnaamijka cusub oo sarifka lacagaha ah
Dowladda Suudaan ayaa ku dhawaaqday inay 10-ka bishan December ka bilaabi doonto lix gobol barnaamij cusub oo sarifka lacagaha ah, iyada oo looga gol leeyahay in wax looga qabto caqabadaha dhaqaalaha. Gobollada laga hirgeli doono barnaamijkan ayaa kala ah Badda Cas, Kassala, Gedaref, River Nile, Waqooyiga, iyo Blue Nile.
Itoobiya oo kor u qaadday miisaaniyada cunnada ardayda jaamacadaha
Wasaaradda waxbarashada Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in la kordhiyey kharashka maalinlaha ah ee ku baxa cuntada ardayda jaamacaddaha. Markii hore waxaa ku bixi jiray lacag dhan 22 Birr, hadana waxaa laga dhigay 100 Birr, iyada oo la eegayo kor u kaca ku yimi qiimaha cuntada
Mucaaradka oo guul ka gaaray doorashada Ghana
Musharraxa mucaaradka Ghana, John Dramani Mahama, ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimo, halka musharaxa xisbiga talada haya uu qirtay in looga adkaaday doorashadii madaxtinimo.
Mahama, oo 65 jir ah, ayaa soo noqday Madaxweynaha Ghana intii u dhaxeysay July 2012 ilaa Janaayo 2017.
Suuriya: Qorshaha lagu dhisayo xukuumad KMG oo socda
Injineer Maxamed Al-Bashiir, oo ka tirsan mucaaradka sanado badan maamulayay magaalada Idlib, ayaa lagu wadaa in noqodo ra’iisul wasaaraha kumeel gaarka ah ee Suuriya si loo dhiso xukuumad dalka ka saarta xilliga kala guurka ah.
Askar ku dhimatay diyaarad helikobter oo ku buburtay Turkiga
Lix askari oo Turki ah ayaa ku geeriyootay mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray maanta oo Isniin ah ka dib markii diyaarad helikobter ah oo ay saarnaayeen ay ku burburtay gobolka Isparta ee Koonfur-galbeed ee dalkaas.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo laga mamnuucay safar dibadda ah
Wasaaradda caddaaladda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa soo saartay amar looga mamnuucayo madaxweynaha dalkaas, Yeon Suk-yeol inuu galo safar dibadda ah. Tallaabadan ayay wasaaraddu ku micneysay baaritaanada socda ee la xiriira go’aankii uu dalka ugu soo rogay xaaladda militeri 3-dii December.