Nairobi (Dawan)- Haddii qarnigan loo aqoonsanayo Qarniga Afrika, waxaa lama huraan ah in qaaraddu ay u jiheysato xilli cusub oo nabad iyo barwaaqo ah. Si taas loo gaaro, waa in si wanaagsan loo maareeyo kheyraadka dabiiciga iyo awoodda aadanaha ee Afrika, iyadoo si wadajir ah loo adeegsanayo tamarta, dhallinyarada, aragtida fog, iyo xikmadda hoggaamiyeyaasha qaaradda. Waa farriinta Raila Amolo Odinga iyo dulucda barnaamij siyaasadeedka uu kusoo banndhigay ololahiisa doorashada ee guddoonka Midowga Africa.
Raila Odinga, oo ah murashaxa Kenya ee Midowga Afrika, waxa uu ku faanay inuu muddo dheer ka shaqeynayey horumarinta qaaradda. Waxa uu sheegay inuu doorar muuqda kasoo qaatay siyaasadda gudaha iyo dibadda Kenya, isagoo natiijooyin wax-ku-ool ah ka keenay jago kasta oo uu qabtay. Qorshihiisa hoggaamineed oo ka kooban siddeed qodob, ayaa si cad u qeexaya yoolkiisa ku aaddan horumarinta Afrika.
Isbeddel dhaqaale oo ku dhisan caddaalad
Odinga wuxuu mudnaanta siiyay koboc dhaqaale oo caddaalad ah. Wuxuu diiradda saaray horumarinta ganacsiga, wax-soo-saarka, waxbarashada, caafimaadka, tamarta la awoodi karo, iyo xirfadaha shaqo. Waxyaabahaas ayuu ku tilmaamay inay yihiin udub-dhexaadka nolol wanaagsan oo loo abuuro bulshada guud ahaan.
Kor u qaadista ganacsiga gudaha Afrika
Wuxuu si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista ganacsiga gudaha Afrika (AfCFTA), isagoo u arka in isku socodka shaqaalaha, alaabta, iyo ganacsiga gudaha qaaradda uu fure u yahay awood dhaqaale oo Afrika la tartansiisa suuqyada caalamka.
Madax-bannaanida Maaliyadeed
Raila Odinga wuxuu doonayaa in Afrika ay hesho madax-bannaanida maaliyadeed. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la yareeyo ku-tiirsanaanta gargaarka dibadda, isla markaana dib-u-habeyn lagu sameeyo qaab-dhismeedka dhaqaalaha caalamiga ah, si danaha Afrika loo tixgeliyo.
U hiilinta dumarka iyo kooxaha laga tirada badanyahay
Wuxuu ballan qaaday inuu si buuxda ula dagaallami doono sinaan la’aanta jinsiga, isagoo diiradda saaraya in haweenka, iyo kooxaha la hayb-sooco ay helaan fursado siman, amni, iyo sharaf.
Isbeddelka Beeraha
Qorshihiisa waxaa kale oo ku jira sidii loo casriyeyn lahaa nidaamka wax-soo-saarka cuntada, si loo xoojiyo sugnaanta cuntada, loo abuuro shaqooyin cusub, laguna horumariyo nolosha reer miyiga.
Wax ka qabashada Isbeddelka Cimilada
Odinga wuxuu sheegay in mudnaan gaar ah uu siin doono ka hortagga iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada. Tallaabooyinka uu qorsheeyay waxaa kamid ah hirgelinta tamarta la cusboonaysiin karo, xoojinta nidaamyada digniinta hore ee masiibooyinka, iyo in Afrika ay cod xooggan ku yeelato doodaha caalamiga ah ee cimilada.
Is-dhexgalka Afrika
Midnimada iyo isku-xirka gobollada Afrika ayaa ah tiir muhiim ah oo uu xoogga saarayo. Odinga wuxuu u arkaa is-dhexgalka qaaradda inuu yahay jidka ugu dhow ee lagu heli karo horumar wadajir ah.
Nabadda iyo Amniga
Dhinaca nabadda iyo amniga, Odinga wuxuu mudnaan siiyay xallinta khilaafaadka iyo xoojinta hay’adaha dimuquraadiyadda. Wuxuu aaminsan yahay in xasillooni-darro kasta oo la xalliyo ay fududeyneyso horumar ballaaran oo qaaraddu gaarto.
Rajada Odinga
Raila Odinga waxa uu isu arkaa hoggaamiye ka jawaabi kara caqabadaha haysta Afrika. Wuxuu rajeeynaya in hoggaamintiisu Afrika ka saari doono duruufaha adag, loona gudbin doono xilli cusub oo nabad, barwaaqo, iyo isku-duubni leh.
Haddii uu Midowga Afrika hoggaamiyo, Raila Odinga wuxuu doonayaa inuu xaqiijiyo in qarnigan uu noqdo midkii Afrika, loona abuuro mustaqbal ka wanaagsan kan hadda jira.
Raila Odinga wuxuu dhashay Maseno sannadkii 1945, waana ganacsade iyo siyaasi Kenyan ah oo soo noqday ra’iisul wasaaraha dalkaas (2008-2013)
Odinga waxa uu sannadihiisii ugu horreeyay siyaasadda ku qaatay xabsi ama dibad-joog, wuxuuna u dagaallamay dimoqraadiyadda xilligii uu xukunka Kenya hayay madaxweyne Daniel Arap Moi.
Raila Odinga oo 79 jir, waa hogaamiyaha mucaaradka ee ugu caansan Kenya, kaas oo isku dayay inuu madaxweyne ka noqdo Kenya shan jeer kuna guul dareystay .
Isku daygiisi ugu dambeeyay waxa uu ahaa doorashadii 2022-ka ee uu kaga guuleystay William Ruto.