Thursday, December 19, 2024

Japan oo $ 27.89 Milyan ku dhiseysa buundada Palmeraie ee Jabuuti

Japuuti (Dawan)- Dowladda Japan ayaa ku dhawaaqday maalgelin dhan 27.89 milyan oo doollar oo loogu talagalay dhismaha buundada Palmeraie ee dalka Jabuuti. Mashruucan oo ah mid casri ah ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo isku socodka gaadiidka, kobcinta ganacsiga, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Jabuuti.

Wakaaladda Wadooyinka Jabuuti (ADR) ayaa shaacisay in heshiiska la xiriira mashruucan lagu saxiixay magaalada Tokyo, waxaana dhanka Jabuuti u saxiixay Safiirka Jabuuti ee Japan, Ibraahim Bileh, iyo Agaasimaha Guud ee ADR, Soubaneh Said Ismael. Buundadan, oo ay dhisi doonto shirkadda laga leeyhaay Japan ee FUJITA Daiwa House Corporation, ayaa lagu wadaa in la bilaabo bisha Janaayo 2025.

Mashruuca buundada Palmeraie ayaa noqonaya mid aan dib loo celin doonin qarashaadka ku baxaya, waxaana loogu talagalay inuu xoojiyo isku xirka saadka, fududeynta habsamu u socodka ganacsiga iyada oo bulshda loo horseedayo horumra waara. Dhismahan cusub ayaa la filayaa inuu wax ka beddelo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, wuxuuna gacan ka geysanaya sidii Jabuuti loogu beddeli lahaa xarun muhiim ah oo saadka iyo ganacsiga caalamiga ah.

Safiirka Jabuuti ee Japan, Ibraahim Bileh, oo ka hadlayey heshiiska, ayaa sheegay in maalgelintani tahay tallaabo istiraatiiji ah oo xoojinaysa xiriirka labada dal. Wuxuu tilmaamay in mashruucan uu yahay mid ka tarjumaya muhiimadda Jabuuti ee gobolka Geeska Afrika iyo doorka ay ku leedahay dhaqaalaha caalamiga ah.

Wakaaladda Wadooyinka Jabuuti ayaa sidoo kale caddeysay in mashruucan uu qeyb ka yahay mashaariic waaweyn oo iskaashiga horumarineed ah, kuwaas oo dowladda Jabuuti ka faa’iideysaneyso si loo hagaajiyo adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha.

Hirgelinta Mashruucan ayaa muujinaysa sida ay dowladda Japan uga go’an tahay taageeridda horumarinta kaabayaasha muhiimka ah ee Jabuuti iyo danaynteeda la xiriirta ku lug lahaansha mashaariica horumarineed ee Africa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here