Thursday, December 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Wareegga 3aad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya

Magaalada Ankara ayaa martigelineysa wareegga seddexaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo Dowladda Turkigu dadaal badan ku bixinayso sidii loosoo afjari lahaa khilaafkii ka dhashay is-afgaradkii horaantii sanadkan dhex maray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

Soomaaliya oo shaqaale u direysa Sacuudiga

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa maanta kala saxiixday laba heshiis oo ku saabsan sidii boqortooyada loogu diri lahaa shaqaala xirfadlayaal ah iyo kuwa ka shaqeeya guryaha.

Ra’iisul Wasaaraha Israel oo maxkamad lasoo taagay

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa mar labaad kasoo muuqday maxkamadda Tel Aviv iyada oo loo haysto musuqmaasuq, khiyaano iyo ku takrifal awoodeed.

Madaxweynaha Masar oo socdaalkiisii Yurub soo gebagabeeyay

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax al-Sisi, ayaa soo afmeeraya socdaalkiisii Yurub ee toddobaad qaatay, isaga oo booqday Denmark, Norway iyo hadda uu ku suganyahay Ireland. Wuxuu kulamo la yeelanayaa Madaxweynaha Ireland Michael D. Higgins iyo Ra’iisul Wasaaraha Simon Harris, si loo xoojiyo iskaashiga labada dal.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo wax laga waydiiyay ka bixitaankii Afghanistan

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa maanta ka hor imaanaya guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada si wax looga waydiiyo ka bixitaankii ciidamada Mareykanka ee Afghanistan.

Saraakiil CIA ka tirsan oo maxkamad loo soo taagay arrin halis ah

Asif Rahman, oo ah sarkaal ka tirsan CIA, ayaa maxkamad lagu soo taagay gobolka Virginia kadib markii lagu eedeeyay inuu dusiyay xog ku saabsan qorshaha Israel ee weerar ka dhan ah Iran.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka shiraya Yemen iyo Haiti

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka shiraya xaaladaha Yemen, Haiti, iyo Suudaan. Shirka waxaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda bini’aadanimo iyo amniga gobolka.

Rabshadaha Haiti oo sii xoogeysanaya

Rabshadaha ka socda dalka Haiti ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 200 qof toddobaadkan. Rabshadaha is daba joogga ah ee sannadkan ka dhacay dalka, waxaa ku dhintay in ka badan 5,000 qof.

Madaxweynaha Faransiiska oo magacaabaya ra’iisul wasaare cusub

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa lagu wadaa inuu dhawaan magacaabo ra’iisul wasaare cusub kadib markii baarlamaanku kalsoonidii kala noqday xukuumaddii Michel Barnier.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here