Jabuuti (Dawan)- Jabuuti ayaa soo dhaweysay heshiiskii ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareyn magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kaas oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Turkiga. Hannaanka Heshiiskan, oo soo socday muddo siddeed bilood ah ayaa looga gol lahaay in lagu xalliyo xiisadaha diblomaasiyadeed ee labada dal ka dhex aloosnaa tan iyo horraantii sannadkan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa heshiiska ku tilmaamay inuu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika. “ Heshiiska wadajira ah ee ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen Ankara waa war aad u wanaagsan oo u fiican gobolkeenna iyo qaaraddeenna. Jabuuti waxay soo dhaweynaysaa oo taageeraysaa horumarkan.”
Heshiiskan ayaa yimid ka dib markii Turkiga uu fududeeyay wadahadallo lagu xallinayo khilaafyadii ka dhashay heshiiskii Itoobiya ay la gashay Jamhuuriyadda gooni-isutaagga ah ee Somaliland, kaas oo ay ka dhalatay in labada dal ay kala fogaadaan siyaasad ahaan
Jabuuti ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee soo jeediyay in xallinta khilaafaadka labada dal loo maro dariiq diblomaasiyadeed, iyada oo la eegayo dersinimada iyo arrimaha kale ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.