Wednesday, December 18, 2024

Murashaxiinta Afrika: Waa in qaaraddu ku yeelato G/Ammaanka kuraas joogta ah

Addis Ababa – Saddexda murashax ee u tartamaya xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa ku baaqay in qaaradda Afrika loo qoondeeyo laba kursi oo joogto ah oo ay ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, intii lagu guda jiray dood labo saacadood socotay oo lagu qabtay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.

Murashaxiinta u tartamaya xilka ayaa kala ah; Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Madagascar Richard Randriamandrato. Waxay ku loollamayaan sidii ay u beddeli lahaayeen Guddoomiyaha haatan ee Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, oo xilka ka degaya bisha Febraayo ee 2025.

Xaqa iyo metelaadda Afrika

Intii dooddu socotay, murashaxiinta ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in Afrika ku yeelato Golaha Ammaanka laba kursi oo joogto ah oo leh awoodda diidmada (veto) si ay u maqaamkooda u helaan dalalka Afrika oo ka badan 50 waddan.

Raila Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay in ” laba kursi ay lagama maarmaan u yihiin Afrika,” isaga oo tilmaamay in tani ay tahay “xuquuq cadaalad ku dhisan.” Dhanka kale, Richard Randriamandrato ayaa ku baaqay in dalalka Afrika ay “cod mideysan” ku yeeshaan hay’adaha caalamiga ah si looga shaqeeyo maslaxadda qaaradda iyo dahanaha kale ee kala dhaxeeya dunida.

Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa isna xoojiyay baahida loo qabo in dib-u-habayn lagu sameeyo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay si ay Afrika ugu yeelato kaalin muuqata oo ku habboon doorkeeda caalamiga ah.

Amniga iyo xasiloonida Afrika

Arrimaha nabadgelyada ayaa ka mid ahaa mowduucyada ugu adag ee doodda diiradda lagu saaray, iyadoo Midowga Afrika uu wajahayo dhibaatooyin ka dhashay colaadaha gudaha ee dalal badan ka jira iyo afgambiyo militari oo sababay in shan dal ay hadda bannaanka ka joogaan ururka.

Murashaxa Jabuuti ayaa keenay aragti ah in kor loo qaado ilaha dhaqaalaha, si loo damaanad qaado amniga iyo xasiloonida qaaradda. Sida uu qabo wasiir Maxamuud, tallabadan waxaa looga maarmi kara ku tiirsanaanta gacanta shisheeye ee dhanka amniga.

Dhanka kale, Randriamandrato ayaa ku baaqay in dalalka Afrika ay mas’uuliyad buuxda iska saaraan amniga gudaha, isaga oo ka digay halista ka dhalan karta saldhigyada shisheeye uu ku yaalla gudaha qaaradda Afrika.

Xoojinta ganacsiga gudaha ee Afrika

Dardargelinta ganacsiga gudaha ee Afrika oo ay ku horgudbanyihiin caqabado waaweyn ayaa sidoo kale ka mid ahaa qodobada laga dooday.

Odinga ayaa tilmaamay in Afrika ay leedahay “suuq ballaaran oo dhaxdeeda ah ” kaas oo loo adeegsan karo kor u qaadista dhaqaalaha qaaradda, haddii la isku furo fursadaha ganacsi ka jira gudaha dalalka Afrika.

Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa soo jeediyay nidaam magdhow lacageed oo fududeynaya in dalalka kala duwan ay ganacsiga ku sameeyaan lacagahooda balse waxa uu su’aal geliyay sababta ay u suurtageli la’dahay in qaaraddu yeelato lacag mideysan.

Randriamandrato ayaa dhankiisa xusay doorka muhiimka ah ee ay leedahay iskaashiyada dhaqaalaha gobollada sida Suqadda Wadajirka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA), taas oo uu sheegay in ay fure u noqon karto fududeynta ganacsiga Afrika dhexdeeda.

Dib u habeynta ururka Midowga Afrika

Murashaxiinta ayaa ballanqaaday in ay hirgelin doonaan dib-u-habeynta qaab-dhismeedka iyo hannaanka hoggaamineed ee Midowga Afrika, taas oo muddo dheer la isku raacsanaa balse la waayay cid suurta gelisa.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, ayaa sheegay in isbeddelka la doonayo in lagu sameeyo ururka uu wajahayo caqabadaha dhinaca dhaqaalaha, isagoo hoosta ka xariiqay inuu geed dheer iyo mid gaaban u fuuli doono sidii looga mira dhalin lahaa tayaynta howlaha ururka.

Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo bisha Febraayo ee sannadka soo socda, iyadoo la saadaalinayo inuu tartan adag dhax mari doono murashaxiinta u hanqal taagaya hogaaminta ururka oo ah mid ka kooban 55 dal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here