Wednesday, December 18, 2024

Somaliland oo Sheegtay Guul ka dib dagaalkii ka dhacay Ceerigaabo

Hargeisa, Somaliland – Wasaaradda Amniga Gudaha ee Somaliland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku bogaadinayso Ciidanka Somaliland, kadib guul ay ku sheegeen inay ka gaareen dagaal ka dhacay bariga magaalada Ceerigaabo.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Ciidanka Somaliland ayaa jab culus gaadhsiiyay kooxo hubeysan oo weerar kusoo qaaday fariisimadooda. Wasaaradda ayaa ku ammaantay ciidamada sida ay ugu taagan yihiin difaaca qarannimada iyo xaqiijinta amniga guud ee Somaliland.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sidoo kale sheegtay in Somaliland ay u taagan tahay nabad, horumar, iyo dimuqraadiyad, balse aysan marnaba gorgortan ka geli doonin wax kasta oo taabanaya ama waxyeelaynaya qarannimada, wadajirka bulshada, iyo amniga guud ee Somaliland.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay astaan u tahay nabad, horumar, dimuqraadiyad, iyo himilooyinka lagu xaqiijinayo halka qarankani higsanayo. Balse Somaliland marnaba gorgortan kama geli doonto wax kasta oo taabanaya ama waxyeelaynaya qarannimada, wadajirka bulshada iyo amniga guud ee dalka,” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Dagaalka Ceerigaabo ayaa muddo toddobaad ku dhow, wuxuuna sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, sida ay horay u xaqiijisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa imanaya xilli magaalada Ceerigaabo ay ka jireen xiisado colaadeed oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo maamulka SSC-Khaatumo, kuwaas oo dhowr jeer isku dhacay.

Dhanka SSC-Khaatumo, weli wax war ah kama soo bixin dagaalkan.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa 16-kii bishan soo saartay war ay ku baaqayso in dagaalka la joojiyo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here