Muqdisho, Soomaaliya – Maanta, 147 muhaajiriin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Liibiya ayaa dib ugu soo laabtay dalka Soomaaliya, kadib howlgal ballaaran oo si wadajir ah u fuliyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Yurub (EU) iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay IOM, diyaaradda sidday muhaajiriinta ayaa markii hore ku degtay magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ka dageen 31 qof, ka dibna waxay sii socotay Muqdisho iyadoo la keenay 116 qof oo kale. Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Midowga Yurub iyo IOM, ayaa sheegtay inay ka shaqeynayaan sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Liibiya loogu soo celin lahaa dalkooda si sharaf iyo bani’aadamnimo leh. Dowladda ayaa ku tilmaantay tallaabadan mid muujinaysa go’aanka adag ee lagu badbaadinayo muwaadiniinteeda, iyadoo u balanqaaday in dhammaan Soomaalida u baahan taageero la soo celin doono oo la gacan qaban doono.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegtay in soo celinta muhaajiriintani ay tahay tusaale muuqda oo ka tarjumaya iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Midowga Yurub, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo IOM, si loo badbaadiyo nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan xaalado adag oo ka jira Liibiya.
Sida ay shaacisay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), ilaa iyo hadda waxaa barnaamijkan lagu soo celiyay wadar ahaan 844 muhaajiriin Soomaali ah, kuwaas oo si buuxda loo taageeray dib-u-dhexgelintooda bulshada Soomaaliyeed. Barnaamijkan waxa uu qeyb ka yahay dadaallada Voluntary Humanitarian Return (VHR) oo hoos yimaada Barnaamijka Ilaalinta, Soo Celinta iyo Dib-u-dhexgelinta Muhaajiriinta ee Afrika-hoose (MPRR-SSA).
IOM ayaa sidoo kale shaacisay in weli ay jiraan in ka badan 1,300 muhaajiriin Soomaali ah oo ku xayiran gudaha Liibiya. Muhaajiriintan ayaa wajahaya cunto yari, hoy la’aan iyo amni darro, taas oo sii kordhinaysa halista ay ku sugan yihiin. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii loo badbaadin lahaa muwaadiniintaasi.
IOM ayaa intaas ku dartay in Muhaajiriinta dib ugu soo laabta Soomaaliya waxaa la siiyaa deeq lacageed oo degdeg ah si ay ugu daboolaan baahiyahooda aasaasiga ah, hoy ku-meel-gaar ah, iyo daryeel caafimaad oo ay ku jiraan caafimaadka dhimirka iyo nafsi ahaaneed. Waxa kale oo la siiyaa gaadiid loogu qaado dadka qoysaskooda ku sugan meelaha ka baxsan Muqdisho, si ay si wanaagsan ugu dhexgalaan bulshada.
4