Sunday, December 22, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta ka qeeb galay  ,Xuska sannad guurada 81-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska

Madxaweynaha puntland  saciid deni  ayaa sheegay in uu bilowday daraasaadka  sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya .

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in saddex diblomaasi oo sare oo Mareykan ah ay gaareen Dimishiq si ay ula kulmaan madaxda haatan ka talisa dalkaas, islamarkaana ay u raadiyaan saxafi Austin Tice iyo muwaadiniin kale oo Mareykan ah oo lagu waayey intii uu jiray xukunkii Assad.

Gaza

dhimashada ka dhalatay dagaalka Israa’iil ee ee  Gaza tan iyo sanadkii hore ayaa gaartay in ka badan 45,200, iyadoo in ka badan 107,500 kalena la dhaawacay, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Koonfur Kuuriya

Baarayaashu eedeymaha Madaxweynaha Yoon Suk Yeol ayaa soo saaray warqado cusub oo ah in Yoon lagu soo waco baaritaan, laakiin xafiiskiisa ayaa diiday in uu aqbalo digniinahaas. Xisbiyada mucaaradka ayaa cadaadis dheeraad ah ku kordhiyay madaxweynaha ku-meel-gaarka ah iyo Ra’iisul Wasaare ,kadib markii uu diiday 6 sharci oo ay ansixiyeen xildhibaanada.

Koonfur Afrika

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Koonfur Afrika ayaa la filayaa inay warbixin ka bixiyaan cudurka dafaac-darada oo ka dillaacay gobolka Western Cape. Waaxda Xabsiyada ayaa Jimcadii xaqiijisay in toddobo kiis oo dafaac-darada ah laga helay xarunta xabsiga ee Pollsmoor Correctional Centre ee Western Cape. Waxaa sidoo kale la soo wariyey hal dhimasho iyo saddex kiis oo cudurka ah oo ka dhacay bulsho deegaanka ku nool.

Mozambique

Dalalka ay saameysay Duufaanta Chido, oo ay ku jiraan jasiiradda Mayotte ee Faransiiska, waqooyiga Mozambique, Comoros, iyo koonfurta Malawi, ayaa la filayaa inay dhowaan shaaciyaan qorshayaashooda dib-u-dhiska, maalmo kadib markii duufaantaas ba’an ay dishay dad badan islamarkaana ay burbur weyn ka geysatay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here